Sarkaal Faransa u dhashay iyo xaaskiisa oo lagu dilay duleedka Paris

dr.yare June 14, 2016 0

(xamarweyne.com ):-Nin la rumeysa yahay inuu ka tirsan xoogaga islaamiyiinta ayaa dalka Faransa ku toogtay sarkaal dalkaasi u dhashay iyo xaaskiisa.

Ninka wax dilay ayaa ku hubeysnaa Midi wuxuu weerar sarkaalka iyo xaaskiisa isagoo markii hore soo afduubtay kadibna dilay.
Booliska Faransiiska ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ka dhacay degmo waqooyi galbeed uga beegan magaalada Paris ee caasimada Faransiiska.

Ciidamo bada oo ka tirsan Dowlada Faransa ayaa gaaray goobta dilkaasi ka dhacay waxayna toogteeen ninkii ka danbeeyay dilka sarkaalka iyo xaaskiisa sida uu saxaafada u sheegay madaxweynaha Faransa.

Weerarkaan ayaa imaanaya xili amaanka Faransa sare loo qaaday madaama ay dalkaasi ka socdaan ciyaaraha qaramada Yurub ee kubada cagta iyagoona marti geliyay ciyaartoy iyo kumanaan taageerayaal ah oo ka socda dalalka reer Yurub ee ka qeybqaadanaya tartanka.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »