SAWIRRO: Xulka Talyaaniga oo xalay guul ka gaaray Tartanka Qaramada Yurub

dr.yare June 14, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Xili dalka Faransiiska uu si habsami leh uga socdo tartanka ciyaaraha kubada cagta ee qaramada Yurub ayaa waxaa xalay guul weyn gaaray xulka Dalka Talyaaniga oo taariikh fiican ku leh kubada cagta.

Xalay abaare 10 fiidno xiliga Mudisho ayay soo gashay ciyaartaas waxaana 2-0 ku adkaaday xulka dalka talyaaniga xili xidigo can ah u
safnaayeen Xulka Belguim oo ka hor yimid Taltaaniga.

Inkastoo xulka Belgium uu dadaal badan sameeyay hadana uma suuragalin inay wax gool ah dhaliyaan waxaana daqiiqadihii loogu talo galay looga adkaaday 2-0.

Xulka Talyaaniga ayaana sidaas guul ku bilowday tartanka Euro 2016,xili Belgium uu ka mid ahaa xulalkii loo saadaalinayay koobkaan.
Labada xidig ee kala ah Giaccherini iyo Pelle ayaa guusha ku hogaamiyay xulka Talyaaniga markii ay min hal gool saxiixeen.
Dhanka kale kulamadii la soo dhaafay waxaan ka xusi karnaa:

France vs Romania 2 – 1
Albania vs Switzerland 0 – 1
Wales vs Slovakia 2 – 1
England vs Russia 1 – 1
Turkey vs Croatia 0 – 1
Germany vs Ukraine 2 – 0
Poland vs N.Ireland 1 – 0
Spain 1 – 0 Czech Republic
I reland 1 – 1 Sweden
Belgium 0- 2 Italy
italy

bnilj and italy

biljam

itly1

itl

italy3

Leave A Response »