SAWIRRO: Kismaayo oo Maanta lagu dhaariyay Madaxweyne xigeenada iyo Wasiirada cusub

dr.yare June 14, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Xarunta Madaxtooyada maamulka Jubaland ee Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu dhaariyay labada madaxweyne xigeen iyo golaha wasiirada cusub ee isla maamulkaasi.

Munaasabada dhaarinta oo si fiican loo soo agaasimay ayaa waxaa madaxda dhaariyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Sheekh Cabdi C/raxmaan.

“wax sahlan maaha in kitaabka quraanka kariimka lagu dhaarto iyadoo laga dhabeyneyn waxa lagu dhaaranayo”ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubba.

Maxamuud Sayid Aadan oo mudo mucaarad ku ahaa maamulka Jubbaland balse dhawaan la heshiiyay ayaa loo dhaariyay madaxweyne xigeenka 1aad kaasoo hadalo kooban jeediyay dhaarinta kadib,sidoo kale C/qaadir Luga dheere ayaa mar kale loo dhaariyay madaxweyne xigeenka 2aad.

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay inay wax muuqda qaban doonaan islamarkaana isbadal sameyn doonaan marka la eego dhanka horumarka.
Sida aad sawirada ku arki kartaan wasiirada , wasiir xigeenada iyo waliba madaxweyne xigeenada ayaa safaf u galay sidii ay u dhaaran lahaayeen.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

juba

juba1

juba2

juba3

Leave A Response »