Maamulka Galmudug muxuu ka yiri dagaalkii saaka ka dhacay Cadaado

dr.yare June 12, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Taliska Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaal saaka ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulkaasi.

Taliyaha Booliska Degmada Cadaado Gaashaanle Dhexe Xuseen Cumar Muumin ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalkaasi uu dhexmaray ciidamada Milataarka Galmudug iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

“Saraakiil Galmudug ka tirsan ayaa ku guuleysatay inay joojiyaan dagaalka ,waxayna ku dadaalayaan inaanu mar kale soo noqon dagaal nuucaasi ah”ayuu yiri Taliyaha Boliiska Cadaado.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka dhacay ayaa ilaa iminka gaaraya ilaa 3 dhimasho iyo dhaawaca 6 ruux kuwaasoo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »