Dowlada oo soo bandhigta meydka sarkaal ajanabi ah oo ay ku sheegeen inuu Daacish yahay iyo Maamulka K/galbeed oo beeniyay…

dr.yare May 4, 2016 0

(xamarweyne.com):-War ka soo baxay taliska Milataarka Dowlada ayaa soo bandhigay meydka nin ajanabi ah oo ay sheegeen inuu Daacish ka tirsan yahay kaasoo sida ay sheegeen ay ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhig dagaalamayasha daacish ku leeyihiin Magaalada Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Dowlada waxay tilmaamtay in weerarkii dhawaan ay ku qaaday xerada Janaale ay ku bur burisay xero ay Daacish halkaasi ka sameysteen islamarkaana ay laayeen ciidamo badan oo daacish ka tirsanaa ayna ku jiraan rag ajaanib ah.

Sawirka meyd nin cadaan ah iyo qorigiisa ayay soo bandhigeen taliska Milataarka Soomaaliya kaasoo ay sheegeen inay ku dileen dagaalkaasi.

Dhanka kale War ka soo baxay Mas’uul ka tirsan maamulka Konfur galbeed ayaa dhankiisa beeniyay in wax Daacsh sheebta ay ku sugnaayeen Gobolka Shabeelaha hoose.

“janaale waxaa ku sugnaa alshabaab kaliya mana jirto wax daacish la dhaho oo ka howlgala Gobolka Shabeelaha hoose”ayuu yiri sarkaalkaasi.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com
meyd dacish

Leave A Response »