SAWIRRO: Kooxda Atletico Madrid oo xalay u soo baxday Fiinaalaha tartanka Champions Leugue

dr.yare May 4, 2016 0

(xamarweyne.com):-Waxaa xalay ciyar aad u adkeyd yeeshay kooxaha Bayern Munich iyo Atletico Madrid kuwaasoo ciyaarayay lugta labaad ee semefiinaalaha tartanka Champions Leugue.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaaday Bayern Munich 2 – 1 Atletico Madrid waxaana sidaas ku haray kooxda Bayern Munich madaama lugtii horte looga soo adkaaday 1-0 sidaas daraadeed sharciga guryaha ayaa lagu reebay madaama aan Kooxda Atletico Madrid gurigooda wax goola looga dhalin lugtii hore ,sidoo kalana ay xalay gool ku dhaliyeen guriga Bayern Munich .

Taageerayaasha Kooxda Atletico Madrid ayaa si weyn u dabaal degay markii ay ciyaarta dhamaatay islamarkaana ay u cadaatay inay u soo gudbeen fiinalaha waxayna la ciyaari doonaan labada Kooxood ee Real madrid iyo Man City kii caawa soo adkaada.

Dhanka kale Ciyaartoyda iyo Taageerayaasha Kooxda Bayern Munich ayaa xalay si weyn uga murugooday guuldarada sida ay uga hareen tartanka xili kubada dhanka kasta ay iyaga wanaagsanaayeen.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com
by

by1

by2

by3

Leave A Response »