Maleeshiyaad ka wada tirsan Ahlu suna oo maanta ku dagaalamay Galgaduud

dr.yare May 3, 2016 0

(xamarweyne.com):-Deegaanka Mareerguur ee Gobolka Galgaduud ayaa la soo sheegayaa inay ku dagaalameen laba maleeshiyo oo ka wada tirsan maamulka Gobolada dhexe ee loo yaqaan Ahlu suna.

Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku dhintay sedex kalana way ku dhaawacmeen dagaalka walina lama oga ujeedka dhabta ah ee ka danbeeya.

Deegaanka Mareer guur ayaa ah goob markii horaba furan dagaal ah madaama ay u dhexeyso Cadaado iyo dhuusa-mareeb halkaasoo ay isku hayaan iyaga iyo Galmudug.

Saraakiisha Maamulka ahlu suna ayaan wali ka hadlin dagaalka dhacay,khasaaraha ka dhashay iyo waliba xiisada iminka taagan.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »