SAWIRRO: Horyaalka Dalka ingiriiska oo lagu kala baxay xili Kooxda Leicester City ay hanatay

dr.yare May 3, 2016 0

(xamarweyne.com):-Kooxda iska yar ee Leicester City ayaa hanatay horyaalka dalka Britain markii xalay ciyaar adag oo dhex martay Chelsea iyo Totenham ay ku soo dhamaatay 2-2 taas ayaana go’aamisay in Leicester City hanatay tartanka madaama farqiga dhibcaha hada koteyso 7 dhibic islamarkaana laba kulan uu ka harsan yahay horyaalka.

Totanham ayaa hadii ay badiso waxay rajo ka yeelan lahayd inay horyaalka kula tartanto Leicester City laakiin waxaa riyadooda hor istaagay kooxda Chelsea oo kaanbiyaha hore lagu marsiiyay iyadoo laba gool lagu leeyahay balse ay qeybta danbe ka daba keeneen abada gool.

Ciyaartoyda iyo tageerayaasha Leicester City ayaa si weyn u dabaal degay markii ay xalay bar baro lagu celiyay kooxdii ku soo dhaweyd eeTotanham.

Leicester City waa magaalo iska yar oo ay ku nool yihiin dad aad u tira yar kuwaasoo cadadkooda lagu sheegay 300.000 ruux.

Horyaalka oo laba kulan ay ka harsan tahay ayaa sidan lagu kala horeeyaa:
1 -Leicester City 77
2 -Tottenham Hotspur 70
3 -Arsenal 67
4- Manchester City 64
5 -Manchester United 60

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

LC

lc0

LC1

LC2

LC03

LC3

LC4

lc06

Leave A Response »