SAWIRRO: Shariif Xasan oo booqday Gobolka Sh.hoose, kuna eedeeyay Alshabaab inay mas’uul ka yihiin Dagaal beeleedka ka jira Gobolka sh.hoose.

dr.yare April 28, 2016 0

(XAMARWEYNE.COM):-Madaxweynaha Mamaulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la soo sheegayaa inuu booqday deegaano hoos taga Gobolka Shabeelaha hoose.

Shariif xasan oo la kulmay odayaasha iyo siyaasiyiinta ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay mas’uul ka yihiin dagaalada beelaha ee ka jira gobolkaasi gaar ahaan kan u dhexeyaa Habar gidir iyo Biya-maal.

“alshabaab iyagaa isku diraya beelaha gobolka ,hore beelahaani si nabdoon ayay iskula noolaayeen hadana waxaa qoorta isu geliyay waa alshabaab”ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan wuxuu u soo jeediyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Beelaha inay dagaal ku qaadaan meelaha ay alshabaab kaga sugan yihiin gobolka shabeelaha hoose kana saaraan.

“alshabaab waxay ka dhigeen dadka kuwa ay gowracaan iyo kuwo ay isku diraan”ayuu mar kale yiri Shariif Xasan.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

s

sh

ss

Leave A Response »