Dowlada Turkiga oo Kumanaan guri ka dhiseysa Muqdisho

dr.yare April 27, 2016 0

(xamarweyne.com):- Dowlada Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay Magaalada Muqdisho ka dhisayaan ilaa 10 kun guri oo sida ay sheegeen la dejin doono qoysaskii ay guryaha uga burbureen dagaaladii sokeeye ee dalka.

Ku xigeenka kaaliyaha Wasaradda arimaha dibadda Dalka Turkiga Cali Kamaal Aydiin ayaa saxaafada u sheegay in Dowlada Turiga dhawaan Muqdisho ka bilaabayaan mashruuc ay ku dhisayaan toban kun guri kaasoo ay ugu talo galeen inay dejiyaan dadka reer tabareedka ah ee aan awoodin inay guryo dhisaan ama kireystaan.

Sarkaalkaan wuxuu sheegay in Mashruucaan yahay mid uu Madaxweynaha dalkaasi Raccep Tayyip Erdogan uu balan qaaday sanadkii 2015 xiligii uu imaanayay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale sarkaalkaan ma sheegin xiliga la bilaabi doono dhismahaasi iyo cida sida rasmig ah u bixin doonto ,gaar ahaan inay Dowlada u xilsaari doonaan iyo inay iyaga qiimeyn sameyn doonaan.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »