Dagaal maanta kadhacay garoonka diyaaradaha Cadaado

dr.yare April 13, 2016 0

(xamarweyne.com):-Xaruta KMG ah ee Maamulka Galmudug ee Cadaado waxaa Maanta ka dhacay dagaal waqti kooban socday kaasoo geystay khasaare nafeed markii rag hubeysa iyo ciidamda isku dhaceen

Dagaalka ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha Cadaado markii ay is afdhaafeen maleeshiyo uu watay nin ganacsade ah iyo ciidamada amaanka garoonka kuwaasoo isku qabtay arimo dhaqale.

Lacagaha cashuuraadka ayaa la sheegay inay ku murmeen labada dhinac kadib taasaa keentay inuu galabta qorax dhicii bilowday dagaalka oo waqti kooban socday .

inta la ogyahay ilaa 5 ruux ayaa ku dhaawacmay dagaalka kuwaasoo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Magaalada Cadaado si loo dabiibo .mana jirto wax dhimadho ah oo la sheegay.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne

Leave A Response »