Dab ka kacay Xabsiga dhexe iyo dekada

dr.yare April 13, 2016 0

(xamarweyne.com ):-Dab aan khasaare badan heysan ayaa maanta ka kacay inya u dhexeysa Xabsiga dhexe iyo dekada weyn ee Muqdisho
Dabka ayaa la sheegay inuu dhinacyada ka wada qabsaday dekada iyo xabsiga laakiin ay ka soo gaareen qolooyinka dabdamiska dowlada Hoose ee Xamar.

Agaasimaha Waaxda dabdamiska dowlada Hoose ee Xamar Cabdulaahi Maxamed Saneey oo la hadlay Raadiyaha Dowlada ayaa sheegay inay ku guuleysteen daminta dabka ka kacay inta u dhexeysa dekadda iyo Xabsiga dhexe ee Xamar, kaasi oo uu sheegay in uu ka dhashay qashin goobta yiilay.

Dhanka kale Agaasimaha wuxuu sheegay inaan ilaa iminka la sheegi Karin khasaaraha ka dhashay ,laakiin ay hubaan inay dabkii bakhtiijiyaan.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »