SAWIRRO:Qarax Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Maqaaxi ku dhow guryaha hooyooyinka

dr.yare January 2, 2016 0

(xamarweyne.com):-Nin Naftii hure ah ayaa maanta barqadii isku qarxiyay maqaaxida lagu magacaabo The Vilage ee Degmada Xamarweyne taasoo ku dhinac taal guryaha hooyooyinka.

Inta la ogyahay 2 ruux ayaa ku dhimatay goobta, ninka is qarxiyay iyo qof kale oo meesha ka dhawaa sidoo kale 2 kale ayaa ku dhaawacantay.

Ma jirto cid sheegatay qarxaasi ilaa iminka iyadoo wariyayaal meesha ka dhawaa ay sheegeen inay arkeen ninka is qarxiyay islamarkaana ay ka shakiyeen kadibna ay meesha isaga baxeen.

Naftii huraha ayaa isku qarxiyay maqaaxida xili dadka ku sugan ay yaraayeen walina ma kala cada sababta loo beegsaday Maqaaxidaan waliba markii sedaxaad.

Sawirada waxaad ku arki kartaa madaxa is qarxiya oo ka go’ay jirka intiisa kale kaasoo sawir qaadayaashu soo sawireen.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

v

v0

v1

v2

v03

v3

v4

v5

Leave A Response »