Ra’iisulwasaaraha Dowlada sii dhaceysa oo sheegay inaaney aqbali karin in dhaqaalaha soomaaliya ay maamulaan Gudi madax banaan

shingani June 2, 2012 0

(shinganinews.com):-Ra’iisul wasaaraha Dowlada sii dhaceysa ee Soomaaliya Prof.C/weli Maxamed Cali gaas ayaa daboolka ka qaaday inaan la aqbali karin in gudi madax banaan maamulaan dhaqaalaha Soomaaliya.

Injineer C/raxmaan Cumar Yariisoow afhayeenka xukuumada Soomaaliya oo wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha Xamar ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu diiday qodobkaani oo ku aaddan in guddi madax banaan oo Caalami ah loo gacan galiyo dhaqaalaha lasiiyo Soomaaliya si ay u ogaadaan halka ay ku baxayaan.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayuu sheegay afhayeenkeenu inay Maamusho Xukuumadda KMG ah sidaa daraadeedna ka hadalka qodobkaani dib loo dhigay, maadaama uu xusay in Ra’iisul wasaare Gaasa uu arrintaani ka biya diiday

Waa war dareenkiisa leh islamarkaana miisaan leh marka la eego in mas’uul soomaaliyeed uu hor istaago qorshe mustaqbalka dhibaato ku ah aayaha Soomaaliya.

Si kastaba lama yaqaan sida beesha caalamka ay uga jawaabi doonto warkaani culus ee ka soo baxay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdullahi Warsame oo uu weheliyo Lataliye Wasaarada Caafimaadka ee ku taqaqusey amauuraha Caafimaadka Prof. Maxamed Jamac Salaad ayaa booqasho ku yimid Dalka Talyaaniga 28 May 2012 iyagoo kulamo la qaatey Wasiiro iyo Masuuliyiin qaabilsan Kaalmada Dibada.

Waftiga ka socda Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa ugu horeyn booqdey Gobolada Marche region iyo lombardia,  waxayna tageen magaalooyinka Fermo, Ancona, Abruza, Milano iyo Bergamo oo ay kula kulmeen  Madax sare oo isugu jiray wasiiro, Gudoomiyayaal Gobol  iyo kuwo kale oo ka socday Hay’adaha Mucaawinadda ka shaqeeya ee Talyaaniga.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. cali cabdullaahi wuxuu si gaara ula kulmay  Wasiirka caafimaadka gobolka lombardia, Milano iyo Wasiirka  xiriirka Caalamiga uqaabilsan marche regionen. intii ay joogeen  waxaa u  suura gashay arimo muhiim ah oo  ay kamid yihiin mataanaynta caafimadka puntland state iyo goboladaas, balanqaadyo badan oo ku aadan xaga qalabka iyo daawada oo la siin doono puntland ,dhakhaatiir talyaani ah ka howl gelli doona puntland dhawaan iyo wafuud talyaani ah oo qaabilsan horumarinta iyo caafimadka oo imaan doona puntland.

Leave A Response »