Fadlan Ila Tali

dr.yare May 2, 2014 4

julia_stegner6

Magaceygu waa Julia waxaan dakanahay Magaalada Miniyaabulis ee Dalka, da’deedu waa 22 jir hooyadey iyo aabahee waxaan kala soo tagnay oo ay i deeriyeen anigoo ay da’deedu tahay 18 jir waxaan iska soo aaday Magaalada si aan u shaqeysto

Waxaan xirfad ahaan lahaa sida loo saaro cilaanka iyo sida gabadhaha arooska loo qurxiyo, intaa ka dib waxaan meer meeraba waxaan furtay Meel dumarka lagu qurxiyo oo ku dhaw wadada laamiga ah taasoo aan doonayay in ay dadka si wanaagsan u arkaan

Nasiib wanaag markii ay in muddo ah ay ii furneed ayaa waxaa dhacday anigoo gabar aroosad ah u labisay doonayana inaan soo dhaweeyo ayaa waxaan la kulmay Wiil qurux badan oo si gaar ahaaneed ii soo fiirinaya waxaan is eegnayba waxaa igu beermay kala gaceyl aan leela ogeyn

Nasiib wanaag Maalmo ka dib waxaa isoo gaartay Warqad si qurux badan loo soo qoray oo ku xeeqan in jaceyl la ii qaaday oo ii qaaday isla wiilka aan arkayay markii aan erayada macaan uu soo qoray aan indhaha la sii raacay waxaa la ii dhaxmaray sida duufaanta oo kale oo waxaan moodayay inuu ila joogo uu hadalka xiligaa i dhahayaba

Markiiba waxaan bilaabay ka dib markii aan milicsaday jeceleystay aqristayna erayadiisa warqada ku qornaa inaan qoro jawaab u dhiganta warqadiisa, waxaan qoraba jawaab waxaan warqadii jawaabta u celiyay isla wiilkii aan qalbiga ku qoray

Galab galbaha ka mid ah anigoo u sii hooyaadayo gurigeyga ayaa waxaan wadada kula kulmay wiilka, waan isa salaanay, ka dib xoogaa ereyo markii aan is dhaafsiisanay ayaan waxaan soo gaarnay inaan is macsalaameyno si aan u kala hooyaadno

Nasiib wanaag waxaa dhacday markii aan dhanka guriga u sii tilaabay macsalaameyska ka dib ayuu isagana iga soo daba tilaabay waxaan is daba kacnaba waxaan gaarnay gurigeyga waan soo dhaweeyay waxaan fadhiisiyay qolka fadhiga

Siduu qolka ugu jiray daqiiqado ka dib waxaan  u keenay xoogaa buskut iyo cabitaan barafeysan, buskutka ayuu wax ka cunay, xoogaa biyo ahna waa uu cabay ka dib markii daqiiqado aan fadhinay ayuu dhoola cadeeyey  wuxuuna igu yiri “ Gacaliso waxan kuu wadaa hadiyad qaali ah oo aan kuugu soo tala galay”  waxaan ku iri “ waayahay ee i sii aan kaa guddoomee” Wuxuu jeebkiisii ka soo saaray katiinad iyo far gal dahab ah, wuxuuna markii katiinada ku xiray qoorteyda fargalkan geliyay farteedii dhaxaad

Wuxuu igu yiri”aad ayaad ugu qurux badan tahay, Waan dhoola cadeeyay, wuxuu bilaabay inuu igu soo duubsamo xilligaas waxaa indhaheyga aad u qabanayeen Shumaca goglan Fadhiga iftiinkiisii, ka dib markii uu igu duubsamay wuxuu bilaabay inuu i dareen siiyo jaceyl

Muddo 3 bilood ka dib waxaan arkay qandho ii timaada xilliga gilinka dambe iyo la labo waxaan u tagay dhakhtar wuxuu iga qaaday kaadida wuxuu ii sheegay inaan uur leeyahay, waxaan wadada isku aragnay anigoo murugsan wiilkii arintii ayaan u sheegay xoogaa ayuu madaxa lulay oo is mur murjiyay wuxuu i fariisiyay dhismo weyn hoostiisa oo igu sug i yiri

Daqiiqado ka dib waxaa ii yimid wiil yar oo warqad sida wuxuuna igu yiri” hoo warqadaan hebel ayaa ii soo dhiibayee , waxaan aqristay warqadii waxaaba ku qoran “Abaayo aniga xaas ayaan leeyahay sidaa darteed iska kee ilow”

Dadweynow hadaba idinka ayaan talo idinka rabaa tallo isiiya, sun maan cabaa? Mise waan is dilaa? Dunida miyaan ka haajiraa? Maxaan sameeyaa dadweyno talo i siiyay

By: Dr. Yare

4 Comments »

  1. LOVE MATER! October 3, 2014 at 11:43 AM - Reply

    you are very lucky to test a such love and the result of it as well in that short time .there are so many people live with partners for 50 yrs with out love and never happy of been a couple .This is the beginning of life not the end name the child after him and choose best name describe the sweetness of this sweet love and wait him to come back and give him a chance and time think about it . you will see the positive life if not positive you don’t think negative

  2. layla mohamed November 8, 2014 at 1:57 AM - Reply

    asc walaal waan ku salamey marka hore marka xigtana aduunka wax kasto wey dhacaan arinkaas kugu dhacay hortaada dumar badan ayaa kaga horeeyey wax kastana wey dhacaan naftaada ha dilin dambina haka galin suna ha cabin allahna u toobadkeen wabilaahi toowfiiq

  3. A.Jama November 14, 2014 at 10:30 PM - Reply

    Dhiban,

    Horta inaad isdisho waa cadaab aduun iyo mid aakhirana kuu dambeeso. Hadaba isdilid iska ilow oo maankaada ka saar.

    Tan kale, Alle u toobad keen toobad dhaba oo niyad kaa ah. Kadib noloshaadii iyo xirfadaadii isaga noqo haday suurto gal kuu tahay,hadii kale aqalkiina iska joog haduu Rabbi xugmiyo ilmaha calooshaada ku jira inay dhashaan iyagoo nool nuuji kadib reerkiisa usheeg oo dhiig DNA ha laga qaado isaga iyo cunugaba. Kadib talada u daa labada reer kiina iyo kiisa. Adiguna Rabbi u dhowaow oo salaada iyo cibaadada badi.

    Waxaan kuu sheegi inaad arki doontid isagoo nabsi soo riday.
    Nabsigu waa madaahaan adiguna iska sabiroo Rabbi baryadiisa badi wuu na kuu dembi dhaafiye.

  4. Maxamedcusmaan November 17, 2014 at 7:47 PM - Reply

    Wll iska samir oo ha.isdilin waayo xadaad isdisho reer naareed ayaad noqoneysa marka talo waa tii raabe ee talada alle u dhiibo

Leave A Response »