Marcelo Lippi: Mario Balotelli Waxa Uu U Baahan Yahay Inuu Hurdada Ka Tooso.

shinganinews April 13, 2012 Comments Off on Marcelo Lippi: Mario Balotelli Waxa Uu U Baahan Yahay Inuu Hurdada Ka Tooso.

 

Marcello Lippi ayaa sheegay in Mario Balotelli uu u baahan yahay inuu hurdada ka kaco hadii weeraryahanka Manchester City uu doonayo inuu mustaqbal fiican ku yeesho kubada cagta.

Tababarihii hore ee xulka Talyaaniga ayaa aaminsan in 21 jirkan uu leeyahay tayada uu ugu ciyaaro kooxaha adduunka ugu fiican, lakiin waxa uu dareensan yahay in Balotelli uusan ka shaqeynoynin inuu guulo ka gaaro mustaqbalkiisa ciyaareed.

“Waxaan rajeynayaa in Baloteli uu dhawaan huradada ka kici doono. Waxa uu ku fiicnaan lahaa in tayadiisa ay noqoto cida ku hadasha garoonka” ayuu Lippi u sheegay World Football.

“Waxa uu u ciyaari karaa koox kasta oo adduunka joogta. Sababtoo ah waxa uu leeyahay tayada ay koox kasta raadineyso”

“Waxaan qabaa in Macini uu sidii aabihiis oo kale u dhowr dhowrayay, lakiin Balotelli weli ma uusan ogaanin waxyaabaha waa weyn ee uu qabsan karo”

Weeraryahanka ayaa haatan ku maqan ganaax seddex kulan ah ka dib casaan uu qaatay.

 

 

Xigasho Laacib

Comments are closed.