Steven Gerrard: Semi-finalka FA Cup Waa Fursad Lagu Noqdo Halyeey Liverpool Ah.

shinganinews April 13, 2012 Comments Off on Steven Gerrard: Semi-finalka FA Cup Waa Fursad Lagu Noqdo Halyeey Liverpool Ah.

Kabtan Steven Gerrard ayaa aaminsan in kulanka sabtida ee semi-finalka FA Cup inuu yahay fursad uu qof walba ku geli karo taariikhda kooxda Liverpool.

Markii ugu danbeysay oo ay Reds u safarto Wembley waxa ay ku soo hooyeen koobkoodii ugu horeeyay tan iyo 2006dii, markaasoo ay Carling Cup ka qaadeen kooxda Cardiff City.

Waxaana haatan uu Gerrard aaminsan yahay in ciyaarta FA Cupka ay tahay mid uu ka soo baxayo geesi kooxda ah.

“Waxaan u maleynayaa inay dhacday dhowr jeer, ciyaaryahanada waa weyn saameyn weyn ayay ku leeyihiin kulamada waa weyn, lakiin qof walba ayaa noqon kara geesiga kooxda maalintaas” ayuu yiri 31 jirkaan.

“Waa mid ka mid ah xilliyada ay soo baxaan geesiyaasha. Kulamada waa weyn, geesiyaal waa weyn – aan rajeyno inay ka soo baxaan dhinaca maaliyadaha guduudan”

Kulanka sabtida waa kulankii ugu horeeyay ee Merseyside derby ee ka dhaca Wembley tan iyo 1989kii, taasoo timid hal bil ka dib markii ay dhacdo masiibadii Hillsborough.

“Kaliya ciyaartaan semi-final ma ahan, miyeeysan aheyn? Waa semi-final aan la ciyaareyno Everton” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Qof walba oo kooxdaan jooga, iyo qof walba oo Everton jooga kulan weyn ayay u tahay”

“Kulamada Semi-finalka FA Cup waa kuwa aad u weyn xilliyada ugu fiican, lakiin marka aad la ciyaareyso koox aad hal magaalo ku xafiiltantaan waxa ay ku dareysaa cusbo dheeri ah”

“Waa waajib i saaran iyo ciyaartoyda kale ee qibrada leh inay  caawiyaan wiilasha da’da yar ee kulankaan ka qeyb qaadanaya”

 

 

Xigashi Laacib

Comments are closed.