Diego Maradona: Doqonimo Ayay Ku Aheyd Pele Inuu Yiraahdo Neymar Ayaa Ka Fiican Messi.

shinganinews April 13, 2012 Comments Off on Diego Maradona: Doqonimo Ayay Ku Aheyd Pele Inuu Yiraahdo Neymar Ayaa Ka Fiican Messi.

 

Tababaraha kooxda Al Wasl Diego Maradona ayaa weeraray halyeega reer Brazil Pele oo dhawaan sheegay in weeraryahanka Santos Neymar inuu yahay laacib ka fiican xiddiga Barcelona Lionel Messi.

Pele ayaa qirtay talaadadii in Messi uu yahay ciyaaryahan weyn, balse ay tahay inuu mar ka hor

e ka soo fiicnaado Neymar.

“Taas waa doqonimo” ayuu Maradona kaga jawaabay.

“Malaha Neymar waa ciyaaryahanka adduunka ugu fiican, lakiin waa hadii aad dhahdo Messi waxa uu ka yimid adduunyo kale”

Labadan halyeey Pele iyo Maradona ayaa dagaalkooda dhanka afka ah waxa uu yahay mid aan joogsi laheyn, waxaana ay inta badan isdhaafsadaan hadalo kulkulul.

 

 

Xigasho Laacib

 

Comments are closed.