Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta ka qeybgalay Furitaanka Xaflad lagu maamuusayay 40 guuraddii ka soo wareegatay Qorista Farta Soomaaliga

shingani December 17, 2012 0

(xamarweyne.com):-Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti Dr.Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka qeybgalay Furitaanka Xaflad lagu maamuusayay 40 guuraddii ka soo wareegatay qorista farta Soomaaliga.

Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay Qaamuus cusub oo loo qoray Afka Soomaaliga walow hore uu u jirey qaamuus dhowr kun ka kooban kaasoo si hagaagsan u qoran.

hotelka Kamdiski ee magaalada Jabuuti ayuu kafurmay xaflada lagu weyneynayay 40 guuradii kasoo wareegatay markii la qoray afkeena hooyo ee Soomaaliga iyadoo la xasuusto in sanadkii 1972-dii in si rasmi ah loo qorey farta soomaalida islamarkaana dolwadii maxamed Siyaad ay bilowday dadka xitaa baadiyaha lagu tagayay si loo barto sida loo qoro afka soomaaliga.

Xaflada Maanta waxaa k qeybgalay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha jamhuuriyadda jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, madaxweynaha maamulka Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo mas’uuliyiin mataleysay maamulka kilinka shanaad ee ismaamulka Soomaalida itoobiya iyo kuwa NFD ee ismaamulka Soomaalida Kenya,aqoonyahano Soomaaliyeed iyo qorayaal caan ah oo isaga kala yimid wadamada Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale waxaana looga hadlay sidii loo horumarin lahaa afka Soomaaliga.

Dr.Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalo ka jeediyay xaflada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay sida loo soo abaabulay loona xusay maalinta afkeena.

“waa shey muhiim ah in la horumariyo afka Soomaaliga ah waxaan leeyahay dadka ku nool geeska Afrika kuna hadla afka Soomaaliga ha ku hadlina afaf kale balse waa inaad afkiina ku hadashaan

Sidoo kale madaxweyne Xasan sheekh waxaa uu ku amaanay Madaxweynaha Jabuuti sidii uu qeybya uga qaatay dib usoo nooleynta afka Soomaaliyeed,wuxuu ugu baaqay in la hirgeliyo goobo laga barto manaahijta afka Soomaaliga.

Kulankan oo maanta ahaa furitaan ayaa waxa uu mudo 5 cisho ah kasiisocon doonaa jaamhuuriyadda Jabuuti iyadoo aqoonyahanada iyo qoraayaal waaweyn oo caan ah ay kadoodi doonaan

Munaasabada waxaa la sheegay inay maanta furitaan ahayd islamarkaana aqoonyahano badan ay ka dooodi doonaan maalmahaasi sidii loo horumarinlahaa afkeena hooyo islamarkaana dib loogu soo nooleyn lahaa erayada ku qotoma dhaqankeena asalka ah.

Si kastaba waxaa xusid mudan in afka soomaaliga looga hadlo ilaa ilaa afar dal sida Soomaaliya,Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti taasoo sii balaarin karta in la sii hormarsho afka.
Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »