Maahmaahyo Reer Xamar Ay Ku Luqeeyeen Ka Bogo Halkaan

dr.yare November 5, 2012 8

Ber xumo loo dhashtay iyo bilaayo gaar waaye

Bakayloow maxaad la qarqartay, roobkan ma ehee kankele oo sosocdo

Dabbaal haddii la dadaboolo lugahaa laga kasaa

Naadiyow ma naxo, nimankoo usaa namiimi

Dacaaroo duubanbe duubka waa ka degay, dawlo maa la dacwey karaa

Weeso qabe aadhaan maka yaabo

Ii ooy waa la helaa laakin ii indhabeel mala helo

Ninkii kaa hadal badan dhaxalkii adoogaadaas kula qeybsahaa

Qabiil khafiifay malmal malagu deeqo

Duurkaa kuu qaniin beelay

Shib shheko xumaa ka roon

Dameerkii ugu xun aa ugu haraanti kulul

Luuq Luuq Marow, Laazim Laamigaas ku soo dhacaa

Malaay banaan ma yimaad, maqaalin naa keentaa

Mukulaal mininkeeda joogto, mici libaaxey ku leedahay

Canjeero sii ukala horeeso aa loo cunaa

Ninkii Dagaalkaaga Rabo, Dooradaada Aas Ka Soo araartaa

Murug mahino meel laga rabin muradkaaga galee

Yawaaye yaas ahaay yeeli meyne

Yamaarug aa yaaq ka weyn aan la yabanahay …

Kahari waysee waa ku haaysataa

Daraja diidoo duliyaa kuu danbeeyo

Ibna aadan is waayay arinaa kala geeysay

Dhuxul duugto aa daango dubtaa

Cumrigaaga hadiis raago geel dhalaayo aas ku tusinaa

Usamir ama ka samir

Wareerka waqtigaa keenay

Hadii leys ceshan waayo cida waa is dhimee

Muraadkiis heloow meel dheer aas kaa maraa

Bada ninkii kuleh aa boodo

Markay foolatay ayaa facshirkeeda la,ogaaday

Aadamoo maxaa aragti kuu laaban

Geel kuul maxaas ka kasaa. ( ma aha indho kuul) waxaana laga wadaa geelka meeshii koorka looga xeri lahaa hadii loogu bedelo kuusha la xerto isku mid beey ka tahay agtiis

daanyeer hadiis dhici waayo geedaas haaystaa

lagu xanto lagu xasuusta ka horreyso abaa,

Daanyeer Dabiis Ma ku diimo Dabo kalas Ku Diimaa

Balaayo Qeyree Ma ahan

Bada Hal malaayaa uriyee

Saaxiibkaa Hadii Barfuun Aas Gadaayo waa kaa soo carfaa

Lama kala baridi kala war la’

 

By: Dr.Yare

8 Comments »

  1. Ad-ham Amiinullahi Maxamed November 25, 2012 at 8:15 AM - Reply

    waxaa rabaa inaan ka faa’ideysto mahmaahyadan banaadiriga ah waxaana codsanayaa ninka qoray inuu igala soo xriiro e-mail adress-kan ad-ham@hotmail.com

  2. C.risaaq ibnu kaahiye December 10, 2012 at 11:36 AM - Reply

    Dr. Yare inanka wuu la dhacee dhamoow dhanbaal ahaan ugu dir

  3. Anonymous January 11, 2013 at 3:41 PM - Reply

    Maasha allaah maahmaah xamari

  4. garweyne kuulow October 13, 2013 at 4:09 PM - Reply

    (BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM)
    Maamada
    KELIGEEDA MAAHIN
    Waa buug ka shekenaaya taariikhda Qowmiyadda reer Banaadiriga Soomaaliya

    WAXAA QOREY EX-XILDHIBAAN:
    Garweyne Kuulow Aweys
    2013
    UJEEDADA QORAALKAN & SABABTA KEENAY IN LA QORO
    Buuggan waxaan ugu tala galay in aan wax uga sheego Taariikhda Qowmiyadda Banaadiriga dadka Beesha Caalamka iyo in Caalamka la ogeysiiyo lana baro xaqiiqda runta ah ee nolosha Qowmiyadda Banaadiriga waqtiyada Nabadda & Dagaalka oo aan si fiican u kaseenin ama is moogsiinaayaan jiritaanka Ummadaasi reer Banaadiri ama Qowmiyaddasi ay ugu noqoto Buugan dhaxal Ummadda aan si fiican u kaseeni ( Siiba Da’yarta )oo fikrad qaldan ka fahamsan waxaan ugu baaqayaa dadka arimahan daneenya in mugdiga laga saaro Xadaaradda,Hiddaha & Dhaqanka,Taariikhda Fanka & Suugaanta Soomaaliyeed ee ka mid ah tan Qowmiyadda Banaadiriga lagu yaqaano oo ay caanka ku yihiin si ay Xusul ku riixa uga baxaan iyo Qowmiy adaha kale ee iyagana La xaqiro ( La dulmo) sideenoo kale loola dhaqmo Dalka iyo meel kastoo ay ku nool yihiinbo waa arin faannoo wada ah dhammaanteen ka Soomaali ahaan illaahey xaqa hana wada faham siiyo aamiin aan wada dhahno, dhugtiina u fura Buugan dhaaydiinana beley siiya.
    Waxaa buugan igu dhiira geliyay qoriddiisa ka dib markii uu igu ba-batey Maahmaahdii aheyd :”Waari meysidee war hakaa haro” iyo Hadalkii ahaa Soomaalida wax ma qoraan ee afkeey wax ka sheegaan oo keliya oo aan u qaateyba in Aniga shaqsi ahaanteeyda la iila jeedo iyo markaan arkey ama maqlay dad Soomaaliyeed oo fikrad xun laga dhaadhiciyay oo been ah Qowmiyadda Banaadiriga ku saabsan sida iyagoo dad ka mid ah Soomaalida dhahayaan ( Saraha dadka reer Xamarka ah degan yihiin waxay ka bililiqeysteen Gumeysigii Talyaaniga intii lagu jirey waqtiyadii Gobanimodoonka Soomaaliyeed , iyadoo hadalkaasi ujeedooyin badan laga leeyahay ) isla Markaana Dowladahii hore ee dalka aaney iyagana daneyn jirin Taariikhda dadka reer Banaadiriga iyadoo la og yahay Reer banaadiriga kaalinata ay kaga jireen Halgankii Gobanimo doonkii SYL (Dhibaatooyinka ka soo gaaray sida Soomaalida kale ,hantida kaga baxdey dadka kaga dhinteen,Fikradda kaga baxdey,Waqtiga kaga baxay,Alla baryiga dheeraadka ah ay haayeen , hadda maadaamo wax badan laga ogaadey inay mudan tahay Taariikhda Soomaaliyeed in lagu xuso Taariikhda Qowmiyadda Banaadiriga meelaha ay ka galaan si dhab ah oo faahfaahsan (Wanaag & Xumaan wax alla waxa ay leeyihiin).
    Waayo runtii waxay ahaayeen Caasumaddii & lafdhabarkii & Maamada (Hooyadii) Ururkii gobanimodoonka Soomaaliyeed ee SYL 1943 dii waxaa ahaayeen maajooritiga (inta ugu badan) Dhallinyaradaasi oo reer Banaadiri ahaa isla markaana waa Maamadii hormuudkii Xadaaradda Ummadda Soomaaliya ilaa iyo haddana…waa Maamada ! Ummadda Soomaaliyaeed.
    Arimahan waxaa marqaati ka ah Taariikhda gobanomodoonka Soomaaliyeed & Badmareenadii iyo qorayaashii caanka ahaa ee imaan jiree xeebaha dalka Soomaaliya Qarnigii 13aad sida xeebaha: Muqdisho, Marka,Warshiikh,Baraawe,Kismaayo Badmareenadaasi oo ay ka mid ahaayeen : Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo, Cheng Ho, Emrico Cerculli iyo kuwo kale waxay qoraaladooda ku xuseen in xeebaha koonfur Soomaaliya ay deganaayen waagaasbo Qowmiyad Xadaarad fac weyn leh ( oo ay ula jeedeen Qowmiyadda reer Banaadiriga) .Caalimkii Badmareenka ahaa Ibnu Batuuta oo ku sheegay Buugiisa qarnigaasi inuu ku arkey xeebaha koonfurta Soomaaliya dad nabadda jecel isla markaasna ku dhaqma nadaam iyo kala dambeyn iyo taakuleynta Soomaalida, ilmahooda iyo Dadka la degaba bara Diinta Islaamka iyo xirfado ay ku shaqeystaan sida Ganacsiga iyo Xirfadaha kala duduwan goobahooda shaqadana ka shaqaaleysiiya, yihiinna dad ku fiican soo dhoweynta martida iyo soo dhoweynta dadka Xirta ah oo Diinta Islaamka baranaayaa waa tan la og yahay guri kasta oo reer Banaaadiri ah waxaa joogey ( Ku tacaliqey) oo ka cunteeynaayey intuu wax ka baranaayo ilaa qof ama laba qof ama ka badan.
    Ibnu Batuuta waxaa kaloo uu Buugiisa ku sheegay in magaalooyinkaasi badi ay lahaayeen Dhismooyin qurux badan oo la mid ahaa dhismooyinka caalamka waagaasi.Qoraagii Emrico Cerculli isna waxaa uu sheegay in Xamarweyne & Shigaani,Marka & baraawe ay ku yaaleen Masaajido dhismahooda muujinaaya xadaaradda faca weyn waagaasi dadka halkaasi deganaayeen sida dhismaha Masaajidka jaamacadda Xamarweyne ee Jaamaca weyn Qadiimka ah, Masjidka Fakhrudiin,Masaajidka Aawoo Aweyska, Masjidka Arbaca-Rukun Masjidka Cabdulcaziiz, Masaajidka Cadeyga, Masaajidka Raqayga, Masaajidka sh.Qaasim Baraawe, Masaajidka sheekh Nuureeni, Masaajidka Aaw Abaalle, Masaajidka Aaw Cusmaan Xasan iyo Marsadii yareyd ee uu doonida ku xiran jiray oo ilaa hadda halkaasi lagu arki karo
    ,Dhismooyinkii Sayid Barqash uu ka dhisay degmooyinka Xamarweyne,Baraawe iyo Marka Cadeey iwm. Xamar weyne meelaha caanka ka ah dalka ee ku yaaley waxaa ka mid ah Wasaaradii Maaliyadda, Bangigii dhexe ee Soomaaliya, Daartii Savoy Center oo ah dhismaha keliya ee ka badbaaday burburka, Shineemo Centrale, Misione, Xamar, Banaadir, Qalcada Kaniisadii Talyaaniga, Dahablihii X/weyne, Xaruntii hore ee Wakaaladda Xoogga Korontada ummadda, Maktabadii & Matxaf-kii Qaranka, Safaaradii Shiinaha, Masaajidkii Arbaca-rukun, Gurigii Talyaaniga (cassa-italia), Hoteelkii Shabeelle, Dhismihii Ex-baarlamaankii hore, Hotel-kii (correge del sud), iyo dhismayaal kale oo nawaaxigaasii ku yaalay oo ay lahaayeen hay’ado, ganacsato,iyo dad magac leh oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.Xaafadaha Biasa, Jaamicada, Cadayga, Raqayga, Koodka, Nawaaxiga Via-Roma iyo Via-Egito, halkii hore loo oran jiray Cabdalla Shideeya, iyo Xaafadaha qadiimiga ah ee ku teedsan dacalka xeebta Xamar weyne, sida agagaarka Kawaankii hore ee Kalluunka iyo Xaafadda caanka ah ee loo yaqaano (aw-aweeska).Anagana (ka Soomaali ahaaan) waxaa nala haboon oo nagu waajibta in aan xafidano kanzigan illaahey na siiyey oo aan ugu faano Caalamka taarikhaha noogu faano.

    DEEGAANADA QOWMIYADDA BANAADIRIGA:
    Qolo kasta (Ummad Kasta) Deegaan ayaa lagu ya-qaanaa oo ay u dhasheen asalkood, Soomaalidana waa is taqaanaa sideey u kala degaanaayeen asalkood ab ka ab haddii ay hadda is bedeleenin. Deegaanna waa meel ay nolol ka jirto oo ay ku noolaan karaan Dad & Duunyo oo cunto & biyo ka jiraan haba ku kala badnaadaane deegaanada qaar.
    Dadka deegaanka wada degaan waxay u kala baxaan: u dhashay ,Ku dhashay iyo kuwo hadda degeen. Reer Banaadiriga waa Qowmiyad Macruuf ku ah Africa & Aasiya xadaarad fac weynna ku dhax leh waa Ummad mixed ah ( isku jir ah Caddaan & Maariinba oo isku deegaan ah oo Maariinka ayaa ku horeeyeen deegaanada waayo dhulka waa dhul Afrikada bari ku yaal sida Soomaaliya).Waxay xiriir la lahaayeen bar Carab & bar Cajam ilaa iyo haddana la leh.Waxay ku safri jireen oo dhulalkaasi ku gaari jiree (Harin oo ah doon weyn oo alwaaxyo waaweyn ka sameysan) Beecmushtari ahaan iyagoo ah,sida badanaa waxaa lagu hal qabsado :Xeebtaa xadaaradda ka timaadaa. (Ilbaxnimada Soomaaliya malaha iyagaa ugu horeeyay & Ganacsigaba). Soddommeeyadii waxay u safri jireen Unguji oo ah (Mombasa), Zanzibaar, Tanzania(Tanganyiika),Ugaandha, Raasiini iwm.Dhinaca kalane Caddan, San’a, Xudeyda, Mukalla, Omaan ,Jeddah iwm.
    Qowmiyadda Banaadiriga waxay wax iska galaan Jandariga reer Khaliij (Waa Xaflad sannadeed Ciy-aaraha Hiddaha & Dhaqanka ah),Dhulkooda ama de egaanadooda aadka loogu yaqaano. Qabaa’ilada Ban aadiriga Xamar waagaas waxay kala deganaayeen Xamar dhanna ka koobneed waagaas Xaafadaha: X/weyne, Shingaani, Xamarjajab(Ansalooti), Cabdulcaziiz (Kaamnbo),Boondheere,Bilaajo-Carab (Shibbis), Waaberi iwm. Dadka reer Xamarka waagaasi la degganaa xaafadahaas waxaa ka mid ahaa: Reer Mataan Abgaal siiba Yacquub oo shingaani qeyb ka deganaayeen oo xiriir wanaagsan la lahaayeen reer Xamarka iyo Is-Xijwaaq oo Yacquub iyo isaga ay wada socdeen.Waxaa kaloo nala degganaayeen Muuse Abkood, Habar Ceyno, Hilabi Max’ed,oo ka wada tirsan (Murusde) Awoowayaashoodii guud ahaanna waxaa la isku kaanya dhihi jiray Xamar iyo Xamar-Daye .waxaana naga dhexeeyey Iskaashi iyo wada noolaansho, magaalada Xamarna waxay lahayd shan Albaab oo ay waardiyeen jireen min toban Ciidan ah oo Reer Xamar ah heysteen Buntukhyo si magaalada nabadgelyadeeda loo sugo, magaalada gudaheeda habeenkii kuma hoyan jirin Xamar Dayahu haddii aanu damiin mas’uul Odayaasha Reer Xamarka ka tirsan haysan.Sidoo kale Magaalada Marka Cadeeyna waxay leheed seddax Albaab sida kuwa Xamar oo kale ahaayeen.Goboladana waxaa aad uga muuqdaan Qowmiyadda Banaadiriga Deegaanada: Marka Cadeey, Baraawo, Kismaayo,Beydhabo, Jasiira , Gendershe, jilib Marka, Dhannaane, Hawaay-dhaxan,Afgooye,Aw-dheegle, Qoryooley,Wanlaweyne ilaa Warshiikh iyo Jowhar ilaa Jilib,Jammaame iyo Kismaayo, Deegaano aad u badan oo Webiyada dhinaca ku haayaan oo beeraley ah iwm.
    Qabaa’ilada Qowmiyadda Banaadiriga ka kooban aad ayey u fara badan yihiin dalka iyo deriskaba way ku faafsan yihiin, gobol aysan ka deganeyn dalka ma jirto Qowmiyadda Banaadiriga,meel ay u dhasheen,meel ay ku dhasheen iyo meelo ay gadaal ka degeenba leh waxaana ka mid ah tusaale ahaan Qabaailadaasi:

    QABAA’ILKA BANAADIRIGA EE DEGA DEGMADA XAMAR WEYNE
    BANDHABOW WAA 8 JILIB

    • Ree r Aweys Cabdi
    • Reer Aweys khamiis
    • Reer Unturow
    • Reer Quuriwayle
    • Reer Sheebow
    • Reer Axmed Nuure
    • Reer Cali Maxamed
    • Reer Gudmane

    MOORSHE WAA 8 JILIB
    • Reer Baataay
    • Reer Ibraahim
    • Reer Maxamuud
    • Reer Kalafow
    • Reer Mahadow Amiin
    • Reer Baa Xamiish
    • Reer Haatim
    • Reer Aweys Nuurow

    DHABAR WEYNE WAA 5 JILIB
    • Reer Shaanshiyo
    • Reer Waabaas
    • Reer Maxamed Jibriil
    • Reer Xaaji Qaraar
    • Reer Qalinshube

    ISKAASHATO 8 JILIB
    • Reer Shiiq muumin
    • Reer Maanyo
    • Reer Indhoweyne
    • Reer Cali Xasan
    • Reer Buurfuule
    • Reer Ceydaruus
    • Reer Shamsi
    • Reer Askareey
    N B
    WAA 4 XAMR IYO CULUMADOODA (REER FAQAY)

    Magacyada QABAA’ILADA beelaha shingaani waa 16 jilib

    • Reer sheikh
    • Reer kooli
    • Reer maanyo
    • Reer faqi cali
    • Reer asharaaf
    • Reer aadan dheere
    • Reer cabdisamed
    • Reer baafadal
    • Reer xaaji
    • Reer baa sadiiq
    • Reer abakaroo
    • Rer yacquub
    • Reer camuudi
    • Reer faqay
    • Reer sedaxgeedi
    • Reer cusmaaneey
    BEELAHA QOWMIYADDA BANAADIRIGA EE DEGA MARKA CADEEY EE 16ka KOOFI
    • REER MAANYO
    • REER AXMED NUURE
    • REER GARJANTE .
    • REER ASHRAAF CALAWI
    • REER DURUQBO
    • REER KAFAAYO
    • REER GAAMEEDLE
    • REER SHUKUREERE
    • REER ASHRAAF BIN-XASN
    • REER HAATIM
    • REER SHAANSHIYO
    • REER JUUNJI
    • REER SHEQAAL GENDERSHE
    • REER SHEEQAAL JAZIIRA
    • REER KHADHIIB
    • REER MOORSHO

    FIIRO GAAR AH:
    (Qabaa’ilada Banaadiriga ah oo aan halkan ku sheegin magacyadooda iyo Deegaanadooda Sida: Carab Soomaaliga ,Baraawaha, Baajuunta &………ha iga raali ahaadaano aqoon yarideyda darted Waana ku daraa markaan ogaado ka dib inshaa Allaah iyo kuwa aan magacyadooda kala hor mariyay). Meel aysan Soomaaliya iyo dowladaha deriska ah oo dad nolol fiican ka heli karaan oo aaney dad ka daganeyna ma jirto Qowmiyadda Banaadiriga.
    Qowmiyadda Banaadiriga ma aha Afar Xamar iyo Shanta Shingaani oo keliya sida ay dadka beenta uga sheegaan (ku qaraabtaan) Banaadir inteeda kale (Fadlan, xussuusta Ex-Banaadir dhulkii hore la dhihi jirey),haddeybo ku sii fideen daafaha Caalamka oo dhan 65% Qaxooti ayey weli ku maqan yihiin ugu yaraan Dadka Qowmiyadda Banaadiriga aad ugu fiirso ma jiro Somaaliya magaalo aan reer Banaadiri joogin kan ugu yar waa ka xamaalanooyaa sida badan Farsamaas meeshaas ka haayaa sida: Sharqaanka.
    DADKA & DEEGAANADA
    QOWMIYADDA BANAADIRIGA MA YARA (MAINORETY) MA AHA EE WAA DAD TIRO & TAYABA LEH, JIRAANNA OO AAN KU TILMAAMI KARO LAFDHABAR, DEEGAANNO BALLAARAN OO CADIIMANNA LEH AL-XAMDULLILAAH. .

    SHAQOOYINKA AY XILLIGAASI QABAN JIREEN ILAA HADDA:
    Qarniyadii hore shaqooyinkii waqtigaasi reer Banaadiri qaban jireen (weli ilaa haddaba qaar qabtaan) bad ankiisana ayna ka ganacsan jireen waxaa ka mid aha a: Ganacsiga,Dharka Aliindiga,Suufka oo laga sameyn jiray khalfaadka Doomah & Harimaha,Mallaayga siiba yaxaaska(Libaax badeedka)cusbo lagu qalajiyay iyo Malii xaanka(Yuunbi oo cusbo lagu qamiiriyay) , Dahabka iyo Qalinka,Malabka,Subagga,Saliida Sisinta,Luubaanta,Fooxa, Hargaha, kabaha & maqaarka iwm. Waxyaabaha Dalka ay keeni jreen waxaa ka mid ah: Fiijaansiiniga, Cilaanka,Yaaqada,Timirta,Cawcijiga,Dah abka,Albaabada-Sharxan Dariishadaha-artiska ah ee guryaha, Dharka raga & Dumarka,Koofiyo-Baraawo,Ulo roomo la dhihi jirey oo guryaha lagu dhiso,iwm.Waxay haweenka Banaadiriga sameeyn jireen Cawda oo ay ka sameeyn jireen: Jaanfi(Deren) ,Satiiti(Xarig) shataf xalwo, Allaal,Be-bes,Xaaqin,Dambiil,Marooqsin iwm.Waxaa kaloo ay sameeyn jireen sida Cuntooyinka dhadhanaanka: Bariid & Baasto,Mallaay & Hilib dhawr noocood ah, shatni (Leeleefoo), Bajiiyo, Bur kuuskuus,Qumbo shadni, Mashkaaki,Cagaar & Xulbo,Kutuleeti, Mashmash, sambuusi noocyadisa. Macmacaan sameyska noocyadiisa kala duduwan sida : shuushuumoowga, Icunka, Buskutka & Doolshi noocyadooda, Qaqacloowga, Marduufka, Xariisaha, Kakawle, Shukulaati, Nanac jiidmaaye kakaaye,Qumbo sokor,Qumbo luubaani Sisin sokor, Kashaato, Mushabaq, Nanacgeed karis, Xalwada noocyadooda iyo Cuntooyinkaan kuwooda fudfudud oo ganacsi ahaan jidadka uga gedi jireen Haweenka & caruurta qaar badan ilaa hadda wax baa ka dambeeya habkaas.Haweenka qaarkood dunta dharka Aliindiga laga sameeyo ayey furfurayeen, Dhariirinaayeen, Siingahaayeen iyagoo lacag ku qaadan jireen.Shaqooyinka qaarkiis oo ay ragga qaban jireen waxaa ka mid ah: Fallidda beeraha hawlahiisa kala duduwan oo dhan sidoo kale Kalluunka ayey gaadi jireen, qali jireen, ka ganacsan jireen ka xamaalan jireen ilaa hadda wey qabtaan hawlahaasi, Tolliinka Sharqaamada Dharka Nin & Naag,Farsamada Alwaaxyada alaabta guryaha la dhigto iwm.
    Hadda waxay ku jiraan nooc walboo shaqo ah oo wan aagsan oo thegnologega casriga la adeegsado ee duni dan casriga ah ka jira, dhinaca Siyaasadda & Ciidanka noocyadiisa waa ka mid haba ku yaraadaanee, ilaa Alyoomka hoose ee garab raratada Soomaaliyeed ee maanta dalka laga qabto iyo Baabuurta ay ku shaqeystaan ( La kasaayaa la koraa aya baabuurtooda loo yaqaano ilaa hadda, micnaha kalsooniyaa lagu qabaa waaye Baabuurtooda).
    DABEECADAHA REER BANAADIRIGA:
    Reer Banaadiga waxay lahaayeen ilaa iyo haddana le eyihiin Dabeecad Diinta Islaamka ku saleysan sida badan, waxay ku faani jireen soo dhoweynta Martida waxay dhihi jireen: Maal adduunyo muuno male ee macbilkaa lagu meel maraa ama martidaa waa la weyneestaa iyo Hal ku dhigga caanka baxay oo ah: Minninka mininikaa waaye soo dhowaaw ha is marti yeenin, Lama lugoodle ha laguu qalo ( Diiq & Dooro ) ama Mallaay & moofo kuukuus & Soor furfur iwm.Waxay ka fogaayeen Dagaalada daandaansiga lagu keensado gardarada ah, Dhaca iyo khiyaanada iyo Dulmiga noocyadiisa sida badan ma sameeyaan.
    Xoogana waxay saarayeen soo dhoweynta iyo wallaal tinimada Soomaalida dhexdeeda.Carabta & Cajamka waxay kula deganaayeen si nabad ah oo isku daneysi ku dhisan ii dhaq aan kuu dhaqo iga cun aan kaa cuno.
    Banaadiriga meelaha ay degan yihiin ayaa loogu magic dari jirey sida: Reer Xamar, Reer Marka, Reer Baraawe iwm taasi waxa keentay in hoos loo dhigi jiray Qabyaaladda ilaa hadda waa saas,si Soomaalidoo dhanna Qabyaalada uga haharaan waxaan ku tallin lahaa: (Soomoalida baratey Cilmiga Technelogeyada Casrigan ah siiba kuwa bartey Computer Science & IT-ga waxaan ka Codsanaayaa iney noo soo saaraan: Software Lagula Dagaalami karo Qabyaaladda iyo Qofkii Software kaas si ammaano (Daacadnimo) ah ugu shaqeyn lahaa, Si loogu baxo ina Adeeroow iyo Laaluushka, Musuqmaasuq iwm. loona gaari lahaa Sacaadada Adduun iyo Jannatu-nnaciimka aakhiro).
    Intaasi ka dib Aan sii wato, Xadaaradda reer Banaadiriga awgeed ayaa taasi keentay. Heer qabiil oo laysku dulmiyo reer Banaadir waa ka baxeen mar hore waxa u gudbeen heer Goboleysi oo aan maanta ku faani karno. Waxyaabaha(Dabeecedaha) dadka Qowmiyadda reer Banaadiriga lagu yaqaan waxaa ka mid ah: Marka qofka loo garto inuu reer Banaadiri yahay sida badan durba waxaa lagu degdegaa in lala kaftamo si uu dadka uu uga qosol siiyo iyadoo aan laga cabsaneynin inuu dhibaato xagiisa ka timaado xataa haddii war kulul ka imaanayo ma dhaafsiinayo inuu kaa aamuuso ama uu ku yiraahdo: Laama bax shaqeyso hawl laawayaaw iwm.Waxaa kaloo xusid mudan in Gabdhaha reer Banaadiriga xilliyadii hore iyo hadaba weli badankood ku dambeeyaan iney aad u adag tahay xataa in wejigooda la arko iney iyaga Shubaakadaha dadka ka arkaan maahinee ilaa uu ka guursado ina Adeerkeeda ama ina Abtigeeda iyo ninkii kale ee illaah calaf ugu daro.Gabdhahaasi qaar kalana Soomalida kale badi sidooda ayey u dhaqmaan mana dabeecad xuma haddii aad isla warwarantiin oo guur isku fahamtiina ma xujjo badna waxaa lee ku dhexeesaa: facee wixii loo dhigey ma ii dhigeysaa? Ama ma ii dhigeysaa Isbuunyada Mubaarak ama Shaakir ? Kkk iwm.Jawaabtaada haddeey haa tahay waxay ku dheheesaa waalidkeey iga jerso……sideey caadada tahay soo mar.
    Wiilasha reer Banaadirganana marmar waxay ka dhex sheekeystaaan guur bannaanka oo ay ula jeedaan guursashada Gabdaha Soomaalida inteeda kale oo waxay is yiraahdaan dhexdooda : Laame waa la af bedeshaa kuliyoon Bariid lee maa cuneesaa ? Ilmahaa Abtiyaal kalaa loo suubiyaa 20kaan sannabo Ilaahee ka sokoow,Abtiyaasha bannaankaa lagu baxsadey.
    Deegaanada reer Banaadiriga ma laga kaseenin falalka xun xun sida Dilka, Dhaca, Kufsiga,Boob, Barakicin, Isbaarada, Ku qabso ku qadi meysid,Waxayga anaa iska leh kaagana kula lihi iyo Dulmiyo kale oo fara badan Lagama aqoonin ka hor burburka Dowladdii hore ee Kacaanka .Reer Banaadiriga waxaa loo yimid iyagoo dhaqan oo iska Jiifaan waa la fariisiyey, hadana iyagoo fadhiyaanaa loo yimid waa la istaajiyey,haddana iyagoo taaganaa loo yimid,waa la Orodsiiyey (Qaxiyey). Haddana ma aqaani waxa lala damacsan yahay dareen cabsi ahna waa igu jira ilaa iyo hadda. Soomaaliyeey, Wallaalayaal Ganacsi, Beero, Xoolo & Kalluumeysi( Dhul Cadiiman ) noogu imaada Deegaanadeena !!Anagaaba idin jecel Reer Xamarka waxay dhahaan :Muqdishoo bilaadul ikhyaar , kullu sheey tayaar. Haddaba waxaan Ummadaha dhan lee nahay: Ku soo dhowaada Xaddaarad fac weyn ….Wax soo saar dhaqaale …Diin ku dhaqan Nabadgelyo jeceyl…Dhismo taariikhi ah Ganacsi…. Beero…Xoolo & Kalluumeysi noogu imaada Deegaanadeena nagula noolaada naga faa’ideysta aan idinka faa’detsano sida Islaamka qabo Anagoo is jecel oo Soomaali siman nahay aan isla macaamilno, isla qosolno wax isla qeybsano.Laakiin,Fadlan marna ha isku deyin in aad Gurigeyga dhexdiisa iigu talisid Adigoo adeegsanaayo awod qabiil iwm.sidaasi haddaad yeeshid waa Dulmi,Dulmigana illaahey ma ogola marna, Adigana waad og tahay aritaas iney Dulmi tahay.
    ODEYYAASHA DHAQANKA & MADAXDA SIYAASADDA EE QOWMIYADDA BANAADIRIGA:
    Dadka Soomaalida ah qaarkood waxay yiraahdaan: Soomaalida Been waa sheegaan laakiin Been ma Maahmaahaan, Haddaba Maahmaah Soomaaliyeed baa waxay leedahay: Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yiri.Marna waa Run,marna waana Been sideey Aniga ila tahay, Koow dheh.Lama cannaantihii aa caanihii daadshey,waa markii nin meel Madax ka ah wax haleeyo waa maahmaah badanaa Soomaalida qaar ku maahmaahaan. Qowmiyadda Banaadiriga heerka ay maanta joogaan waxaa gaarsiiyey Illaahey ka sokoow Hogaamiyayaashooda hore qaarkood,haddii uu Wanaag yahay iyo haddii uu Xumaan yahayba waana ku mahadsan yihiin. Marka si kale loo qiimeeyo Horumarkooda hadda iyo Agabka ay Haystaan Qowmiyadda reer Banaadiriga sida: Xadaaradda, Deegaanada,Xurnimada iyo ka horba,Aqoonsiga & Taageerada Ummadaha waxaa la dhihi karaa wax Horumar ahba ma sameyn intii awoowayaashooda ku ogaayeen ayey weli joogaan sababo badan awgood. Rag wax ma tare ma jiro ee wax yar tare maahinee, ayaa hore loo yiri: Ninboo naftaa Nabiyoo Ummaddaa ayaa meesha ka dhacdey sanooyinkan dambe,Tusaale ahaan Odayaal dhaqameedkii iyo Siyaasiyiintii u xilsaarnaa soo xullidda Odayaal dhaqammedkii 135ta iyo Xildhibaanada hadda Dowladda Federaalka u aqoonsan tahay Xildhibaanada Qowmiyadda reer Banaadirigag oo hadda Baarlamaanka fafadhiyaan kuligoodana waa reer Banaadiriga Muqdisho ka soo wada jeedaan keliya. Deegaanada kale ee Qowmiyadda reer Banaadiriga ka soo jeedaan boosaskooda kulli waa la dhacay, Hal Odeydhaqameed & hal Xildhibaan uguma jiro Golayaashaasi oo ay Dowladana weli si dulmi ah ku aqonsan tahay, hadda waxaa loo baahan yahay isbedel Caddaalad ku dhisan oo nadiif ah, WE NEED CHANGE, nadiif ah oo Caddaalad & Sinnaan ku dhisan & Hogaan mideysan oo aan weli Qowmiyadda leheyn oo raali la isaga yahay oo dhllinyaro u badan,aqoon & Karti badan leh si ay Qowmiyadda Caalamka mar labaad ula qabsadaan oo aayadahooda dib ula qaadan karaan asaagooda.
    CULUMADA REER BNAADIR:
    Culumada reer Banaadir ee Caanka ah waxaa ka mid ah :
    • Sheekh Sheenyaaloo.
    • Seekh Axmed Shekh Maxaad (Aaboo Sheekhe) .
    • Sheekh Xaaji Suufi .
    • Sheeekh Cabdulcaziiz .
    • Sheekh Cali Maye .
    • Aawoo Cusmaan Xasan.
    • Aawoo Garweyne Gendershe yaale.
    • Sheekh Qaasin Baraawe.
    • Sheekh Nuureeni.
    • Sheekh Aa-Xaaji baa-Xasan
    • Aweys bin Caamir (Sheekh Uweysul-Qarni)
    • Sheekh faqay aboor & Sh.Muxyadiin Maclin Mukaram.
    • Sh. Abiikar sh. Muxyadiin Maclin & Sh Maxed Cali (sh.baana) iyo qaar kale (Oowliyada Illaaheey waa badan yihiinee).
    Dariiqooyinka Baabu Suufiga oo ay reer Banaadiriga ku xoogan yihiin waxay kala yihiin:
    Axmadiya,Qaadiriya,Rufaaciya(Yaa nuurulceyni) iwm.
    Masaajidada Caanka ka ah Deegaanada reer Banaadi riga waxaa ka mid ah: Xamarweyne (Qadiimka), Misaajidka Shariifka ee Shingaani,Cabd ulcaziiz, Aawoo Aweyska, Faqru-diin, Sheekh Suufi,Arbaca-rukun,Aaw Cusmaanka,Aw-Abaalle(Duub weye), Sh.Nuureeni, Sheekh Qaasim waxaa la dhisay: Qarnigii 6aad Hijriyada (Qarnigii 12aad ee Miilaadiyada badankooda la dhisey.)
    Qowmiyadda Banaadiriga Badi waxay ka soo jeedaan Culumo Carbeed oo Diinfidis u yimid Dalka & qaar Carab dagaal ka soo ordeen ah yaman iwm.
    Waxaa kaloo jira reer Banaadiriga dad ka soo jeeda; Afrika,Beershiya(Iran),Hindiya,Baakistaan,Yaman ,Ciraaq,Cummaan,Suuriya,BaniiIsraa’iil ( Yahuudi )iwm.
    Qaar dadkaasi waxay u sii gudbeen Afrikada bari sida : Unguji (Mombasa) , Zanzibaar,Tanzaaniya,Ugaan dha,Raasiini,Mukalla,San’a,Xudeyda,Basra,Baqdaad iyo meelo kale oo Africa iyo Aasiyaba ah.
    Haa Bes jooji wax akhriska kistoo,wax yar ilaqosol, haddii aad diyaar u tahay,horta waxaa lagaa rabaa in aad korka ka dhahdid adoon meelna ka akhrineyn sidan jumladdan hoose:
    ( NIN TIMIR CUNAY BIYO KAMA DABA KABAN KARO )
    Kkkk Ma ku rafati kistoooo kkkk wedehee aqriskaa.
    LAHJADAHA IYO WAXA AY DALKA KU SOO KORDHIYEEN REER BANAADIRIGA:
    Reer Banaadiriga badi waxay ku hadlaan Af Soomaa liga caadiga ah,qaar lahjado kala duduwan ayay iskula hadlaan siiba markeey dhexdooda isla hadlayaan badi sida: Af reer Xamar ( maxaa rabtaa? ) Af reer Marka , (maa doonte?),Af reer Baraawe, (naqsulanii?) Af reer shingaani(maa doontawa?), Af reer Gendershe ( maa doontee?) iwm Reer Banaadiriga waa dadkii Soomaalida Badankeeda bareen waxa ay kala yihiin : Cusbo & Sokor oo runtii Soomaalida badankood dadka goor dhow kala barteen, Sidoo kale Waxay bareen sida loo qaato Surwaalka & Shaatiga iyo Xirfadaha Gacanta sida :Tolliinka dharka, Dhisidda Guryaha,Mallaay gaadooga, Kabo tollidda,Macmacaan Sameynta, Cilaansaarka, Qashin gubidda,Musqul sameysashada,Labisashada dharka, Kaftanada qaarkood iwm.Waxay kaloo dadka Soomaaliyeed badankood bareen funnuunta Diinta Islaamka xataa Naago macallin Qur’ aan ah baa jiray ilaa iyo haddana ka dhex jira reer Banaadiriga. Waxaa kaloo caan ah oo xusid mudan xataa Madaxda dalka iyo Idaacadaha waaweyn oo Af Soomaaliga ku hadlaan qaarkooda caanka ah aad u isticmaalaan iyagoo kaftan ahaan u isticmaalayaan, in ay Soomaalida badi bareen Hadallo ay ka mid yihiin: ( oo badanaa lagulakaftamo hadaladaasi reer Banaadiriga iyo dadka kalaba) sida: Minninka mininkaa waaye,Saas waaye Noo, Bax Laqa moo fa’aa jerso, Saas maahinoo? Sida maa mudoosaa? Allahee ka Alla, La faltee la beeqtee ka roon, Ma tacbade bur weene, Adoogaa ba’ashaa……, Aawoow….aawoo, Abkeey Dooli diloo dad maas u daahaa!, Annuun ka annuun ,Inshoon ka inshoon , Abyootoo mala faayoo? iwm.
    ISIR ZUULINTA LAGU HAAYO Q/BANAADIRIGA:
    Waxyaabaha aan aadka ugu Cabsanaayo ee lagu haa yo Qowmiyadda Reer Banaadiriga ayaa waxaa ka mid ah isir Zuulinta dhismooyinka qadiimiga ah iyo iyadoo dadka qaarkii si awood ah oo farsameysan ku dhisanaayaan guryo dudumey oo dad iska leh iyo Saawaadyo Laba guri u dhexeeyey oo waqaf ahaa oo ku yaaley degmooyinka Xamarweyne & Shingaani iyo Marka iyo meelo kale taasoo keentey iney cariii sii noqdan Xaafadahii awalba cariiriga lagu caaynayey,waxaad u maleysaa in raali la isaga yahay arimahan dhul boobka farsameysan ah. Waxaan aad iyo aad uga xumahay in aanu jirin ilaa iyo hadda cid wax ka qabaneysa(Xataa ka hadleysa) ama Dowladda ha ahaato Badbaadinta Dhismooyinkaasi Taariikhiga u ah Ummadda Soomaaliyeed oo dhan oo ay ku faani karaan berito marka Caalamka ay dhismooyinka Xadaaradda leh kula tartamayaan iyo dhulalkaasi xoogga farsameysan lagu dhisanooyo, Waryaa Illaahey ka baqa BANOO MAA SAKANOO ha noqoninnee,Dalka waa na deeqaayee meel bannaan ka dega, cariiri Illaahey mana geliyee !!. Qaababka loo isir zuulinooyo waa badan yihiin waxaa ka mid ah :Magacooda iyo jiritaankooda iyo deegaan adooda oo la dafirooyo ama la dhallan rogooyo sida (Xamar & Banaadir) oo la dhohooyo waa magac deeg aan ama magac Gobol oo dadkoo dhan ka dhexeeyo si deey dadka qaar wadwadaan ,Halka magacyada kale ee Deegaanada Dalkeena Soomaaliya intiisa kale aan lagu dhici karin in sidaasoo kale la dhaho, sababta is weydiiya!!. (Mala isku haaysto in Muqdisho Caasumadda Dalka Soomaaliya tahay,Laakiin magacyada Xamar & Ba-naadir waa magac dad gaar ah oo Soomaaliyeed loo kasaayo asalkiisa taasi yaan la ankirin…wax maka jabna in magacaas meelo kale loo bixiyo)Waxaa is weydiin leh haddii magacoodii loo qaatey magaca gobol Banaadir maxaa iyagana mudnaan ugu dhex waayeen Deegaankooda ? Soomalida kalabo ninba Deegaankiisuu ku qadarisan yahaye. Haddaba waa in Mashruucaasi isir zuulinta ah laga noqdaa ,qof walbana Difaaco haddii xaqa lala jiro Duudsiinta & Isir Zuulinta lagu haayo Qowmiyadda Banaadiriga Magacooda & Jiritaankooda & Deegaa-nkooda.Mar kale aan is weydiinee! Horta. Reer Xamar yaa waaye? Ree Banaaadirigana yaa loo kasaa Ummada Soomaaliyeed oo dhan hala weydiiyabo? Indho runneey ku ooysaayee.…!!.Qowmiyadda Banaad iriga waa dad badan oo tayo muuqato leh waxa keliya oo lagu xaqiraayo ay ila tahay maxaa hub u qaadan weyseen? oo dad u dili weeyseen? mise wax kalaa jiraaa?Horta ogaada ,ha hilmaamina marna yeey idin ka hoos bixin Maahmaahda reer Banaadiriga lagula kaftamo badanaa oo ah(Abkeey Dooli diloo dad maas u daahaa) macno weynaa ku jiraa Nin Dooli dili Dad ma u daahaayo inuu dilo, waayo Tusaale qori soo qaado kee kuu fudud inaad dhaqso u toogatid Dad & Dooli?! Runtii waxaa kuu fudud inan dhaqso u toogatid Dadka waayo waa ka muuqdaa kana weyn yahay Dooliga . Haddaba Anaga Waxaan qori u qaadan waayney waa anagoo ku dhaqan Diinteena Islaamka,Xadaaradeena iyo Damiirkeena dadnimo oo weli nool oo aad runtii u fog oo naf dad in aan gardaro ku gooyno illaahaan noo ogolaan dhammaanteena ( Anaga & Dad kalaba)..!! Dhinaca kale,Aan idin xusuusiyo wallaalayaal Diinteena Islaamka ma qabto in qofna magac uu san raali ka aheyn loogu yeero(sida Others ama 4.5 inkastoo magacan hadda kistoo kistoo yaraanooyo oo Mashruuciisa wax la joojonooyo u ekaanooyo) Magac iisana laga dafiro sida haddaba weli la nagu haayo oo weli lanoo dhohooyo reer Xamar Adinka lee ma tihiin oo kale & reer Banaadir Adinka lee ma tihiin dadka dhanaas ka dhexeeyaa oo kale. Fiiro gaar ah: Dadka nagu haysto Adinkaba nala noqda Reer Xamar ama Reer Banaadir Anaga wax ma ka qabno laakiin dabeecadeena yeesha,sida haddaba dad badan oo qabaa’ilo kale u dhasheen yihiin oo aan laga kaseen reer Xamarka xagga afka ,xagga dhaqanka & Dabeecada iwm wadankana aan u wada sinnaano,haddii intaasi aydaan Adinka sameyn(Magacii reer Banaadirina aad wadatan) magacii reer Banaadiraa inaga wada xumaanaya.”Lima taquuluuna maa laa tafcaluunaa” ku sifooweysiin. Wallaalayaal waxaan filaayaa in aad adinkaba aad og tihiin iney jiraan dulmi kaloo fara badan oo Ummado gaar ah lagu haayo adduunkaan… iyadoo la og yahay in aanu dulmiga fiicneyn Adduun & Aakhiro…..Allaa fii.
    MARQAATIGA JIRITAANKA Q/BANAADIRIGA:
    Sarahii Awoowayaasheena ayaa weli taagan meel kas too la nagu yaqaano sida : Xamar,Marka,Baraawe iwm oo marqaati nooga ah deegaannimadeena reer Xamar nimadeena & Reer Banaadirinimadeenna.In kastoo aan jirin ilaa iyo hadda hey’ad u taagan badbaadinta aasthaarka dalkeena Soomaaliya leeyahay ama Dowlad ama cid kale ( inkastoo hadda la hadal haayo in Misaajidka Cabdulcaziiz dhismihiisa sidiisa hore Dowladda Turkiya ku celinooso ka dib markii uu ku burburey dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacayey).
    Qowmiyadda reer Banaadiriga waxaa kaloo jiritaanka Xadaaradooda Marqaati u ah Farsamyaqaanada Gury aha, Dharka tolliinkiisa Nin & Naag,Mallaay gaadista qaababkiisa kala duduwan,Koofiyo Baraawo, tollidda farsamada alwaaxda,Alaabada Guryaha lagu dhiso ,Macmac aan sameyska noocyadiisa kala duduwan sida : shuushuumoowga,Icunka,Buskutka & Doolshi noocyadooda, Qaqacloowga, Xariisaha, Kakawle, Shukulaati, Nanac jiidmaaye kakaaye,Qumbo sokor, Sisin sokor, Kashaato, Mushabaq, Nanacgeed karis, Xalwada noocyadooda, sambuuska asalkiisa, Kabbaab , Kutuleeti,Bajiyaha, Qumbo shadnaha,Shatniga ( Leeleefooga)iwm.Sameynta Dharka Aliindiga Kabaha Saandalka Qalin & Dahab shubbidda & Suugaanta sida Heesaheena caanka ah ,Maahmaayada, Geeraarada, Marjiibka & Riwaayada heena waa kuwa loogu jecel yahay Soomaaliya oo dhan ma laha waa leygu raacsan yahay. Cayaaro sanna deedka sidaa: Shirta (Shurubka), Maanya galka, Dab shidka Biijaayga iwm. Qaabka labisashada dharka si da Macawiista, Koofiyo Baraawaha Fitishaarada iwm kulli waa qaab laga soo guuriyey asalkiisaba dadka reer Banaadiriga, Haye been maan ka sheegi ?. Magacyo gaar ah oo lagu yaqaan dadka reer Banaadi riga ah ayaa jira sida magacyada Raga: Abakarow,Iikar,Yaamad,Macaloo,Nuureeni, Muriidi,Sayid,Amoo Shee-mat , Sheenyaalo , Baaboo, Siidoo , Shariifii, Maxaad, Abuu,Aawoo iwm.sida magacyada naagaha:Maanafaay,Baa’iishe,Daadooy,Caashaay,Biibi,Baa’ita, Shaameey,Abaasti,Shoobto,Roonooy,Awooy,Baabinti, Faatmaay, Ummi, Sheekhuuni Aafaay iwm.
    Marqaatiyaasheenna aad ayey u badan yihiin adinkaaba ka mid ah kkkk SAX maahioo?
    Waxaan Jecleestey in aan wax yar ka soo qaato suugaanta Qowmiyadda reer Banaadiriga lagu yaqaano tusaale ahaan maahmaahyadada,Marjiibka,Shurubka ( Shirta) iwm, waxaana ka mid ah:
    MAAHMAAYADA REER BANAADIRIGA QAAR:
    • Tabar taada ogaaw ceeb ma ahan
    • Gambaalo nin gaaraa guntadaa .
    • War la uunba uunbeeyo weeykaxaa ka roon.
    • Yeele waa hilmaamaa la yeelo ma hilmaamo
    • Luuq luuq marrow laazim laamigaas imahaa
    • La faltee la beeqtee ka roon.
    • Ninkii soo jog laga waayo soo jiifaa laga helaa
    • Baabuur qaboo jinni qaboo
    • Musbax mininkaa u baahan minin dadoo ma lagu daaro.
    • Marka Cadeey minin aw Cusmaan martidii moodo munaafaq waaye.
    • Ninkii tacbo oo ruuro mina tiisa timaado waa ka tagaa.
    • Wiilee daaree wallaalee ma iyo.
    • Abkee dooli diloo dad nool maas u daahaa
    • Saxan saxan ku gud Saan saan ku gud
    • Af daboolan dahab.
    • Shimbirtii buubto anfaqeed dhulkaas yaalaa.
    • Tallo hadey kaa wareerto tahliilaa la tuftaa.
    • Gacanaan gemaa goosaan jobihaa ma gabanaayi
    • Cawadoo qad aqal ka yeelo.
    • Xuskaa qab iyo xaajadaana qabo
    • Deriskaa ku deyo ama ku diin
    • Badoo dhan hal malaay yaa u riyay
    • Wareer caawo waa loo waaw bariistaa
    • Iid hortiisaa la aqal yeeshtaa
    • Qosol aan leesla qabin qaraabo goos waaye
    • Cumri dhamaaday ceeb ma lagu sabootiyo
    • Yaa ku dhobay kariinkaa
    • Bannaankiisa mare maradiisa bood ma qabsato
    • Mukulaal mininkeeda joogto mici libaaxeey leedahay
    • Mallaay maanyo ku jiro xawaaji ma loo shiito
    • Daayeer dabadiisa ma ku diimo daba dadoo aas ku diimaa
    • Iin fal-iin fal dhimmanyee lee
    • Ma rabtaa raqiis ma qabtaa qaal
    • Magac maskiin ma laga aha,maal mowlaa loo qabaa
    • Ceeb khasaaraa ka roon
    • Af ka bixi culees male
    • Burtii cunti bootintiisaa la rabaa
    • Shakki yaqiinaa ka roon
    • Nin sigti ma noola
    • Dadayasho doorabo ka uurowti
    • Dooro qoor qabasho bish maka dhanto
    • Tacsiiyo mala urisho(ooysi ma uro)
    • Diin qaboo darajo qaboo
    • Mininkee iiga bax & Maalkee i sii meel loo moodo male
    • Wax wallaaloow lagu waayi waryaa hooy ma lagu helo.
    • Wahsadoo wiilkiisa ma korsado
    • Waano waalid diidoow waraabaa cunaa
    • Juuq kuugu jiro mala jeriyo
    • Bilaayo ku haysato aboo aboo ma loogu boxo
    • Nin jeedo mala kiciyo nin hurdaa la kiciyaa
    • Nin is hinjiyo aa la humbaaraa
    • Aabaa kan yar iga celi kan weyn anaa iska celihaa
    • Afar naagloow amaraa ku haystaa
    • Xaalkaa xabiibkaagaa loo sheegtaa
    • Jinkaa la dheel kana dhug lahaaw
    • Nimmaan dhul marin dhaayo male
    • Raaliya helaa raaxo adduun helay
    • Mallaay makaalinaa keentaa macaaneyna meher
    • Minnin aan musbax (naag) lahayn ma nuuro
    • Ninkii shab aad iska siisid shafeecaad ka heleey
    • Hunguri weyne malaayaa saab ugu dhacay
    • Maaskey i sii meel loo moodo male
    • Gurbaan gacalkaa ha kuu haayo ama garabkaa ha kuugu jiro
    • Gurbaan la xadi,goob laka tumee la done
    • Afkaa feed ilkahaa aan tiriyo aad wadaa
    • Albaab furan mala galo ee weji furanaa la gala
    • Wax la yaqaan aroos wax la yaqaan ha kuu dhashee
    • Nin naagtaa rabo gabartee hoo makaa yeelaayo
    • Naftaa ka qaad naftaa u qaad
    • Ninkii is xarakeeyaa la xurmeeyaa
    • Darajo diidow duliyaa kuu dambeeyaa
    • Dhoorsadaa dhammaan baxa
    • Manyac ninkiisuu muuta-muuteeyaa.
    • Erbet aruurti misaar
    • Tuuge lama tuugo taajirkaa loo tegaa
    • Nin faruuran ma fooriyo
    • Caasigaa mininka ma mooga
    • Wallaalkaa dheeftiisa dhegtaa raaxadeeda Waaye
    • Shan beri Sheekh ma lagu noqdo
    • Maal wallaalkaa dhereg ma loo cunno
    • Magac iyo masiibo maaliney baxaan
    • Ishiisa laku arkaa ushiisa lagu tumaa
    • Habartii doqon dhasho ii dooriyoo ma hesho
    • Kaa barte waa kaa badiyaa
    • Tukulush timir gaaree waayi xaraar dhahyi
    • Intay tirnaan lahayd ha tilmaanaato
    • Bun la waayee badelkis mala waayo
    • Nin waalan wallaalkiisaa u miirsan.
    • Damiin far waaweenaa wax loogu dhigaa.
    • Buris bax lee ma loo kasaayo.
    • Xumoo ha joogo samoona ha joogo.
    • Fal xaasid faqiir wax heli.
    • Baahanoo baqti kuu bannaan.
    • Geedkii rooroor lagu koro roorooraa loogu degaa.
    • Kala bax kitaabkaa sheegi.
    • Hilib xeeb yaalee huunfeey ma dhaafto.
    • Dooli rooroorkiis Mukulaal dhirifkeeda waaye.
    • Dheesha in kastoo dheel tahay haddana ma lagu dheelo.
    • Tuug tuugaas ku mudaa.
    • Waltii feleetee fel marii awaa ka weynyee ha falin.
    • Fa’aa waxtiis falee fal fanjibo ha koo dhecee.
    • Saantaa meeltii ka batee sumcadaa ka dhumideeye.
    • War la uunba-uunbeeyo weykaxaa ka roon.
    • Meeshii Iftiin soo galo mugdi waa ka baxaa.
    • Tuug la qabti tabar male.
    • Naf qabee sheey ma qabo.
    • Nabsi ninkiisaas nahliyaa
    • Xaaraanta xushmeeye xawaal ma xassuusto
    • Is ma hurtooy yaan leys haleynina.
    • Fa’aa wixiis roor ku waayo fadhigaa Allah kugu siiyo.
    • Wadaadka weysiga dhoorahaayo wax yar waa wasaqeyn karaa.
    • Dhoorsadaa dhammaan baxay
    • Waraa jiri doonee wiishkalee ha yeeree.
    • Nalba ku daar,Nalba ku daar minnin naag leheen ma nuuraayo.
    • Cadow aan carifneyn aa ceelkaan iigu xoori
    • Ninboo naftaa nabiyoo ummaddaa.
    • Wareerka waqtigaa keeni.
    • Yaa miir qabaa maas la weydihaa.
    • Doco waalid waa soo duxdaa.

    GEERAARKA AMA MARJIIBYADA Q/BANAADIRIGA
    Waxaa ka mid ah:
    • Kun mineey kufriso kunna ay kurbooto kissi korkee la saari maayo.
    • Socdaal badan suulkeeyga waa siibmi sawi maan ahau ley siraayo subax daa’in Sooldi leen sarifaa see waay Subxaana laahiyee !!?
    • Saabuun catar iyo Subaa’il xariir naagtii suganaa la siiyaa socotooy mala siiyo seekseekyaay soco waa ku sagootihaa.
    • Samoo Maxaad sarartee xannuunyi, Sumeen idaad subageed i sii ,Sabrane Abaay Suubanoo igaarkeed nin sabri maa la sagootihaa.
    • Baqti uraayaad tahay bood la saari barkaas ninkii kaa maro waa ba’aa.
    • Barinja-beelaa tahay Baaba kuulow, barbaarta reer Maanyo bariimahooda.baarankaana maka been sheegtid.
    • Maalintiin geber ahaay geeska waan geddihaayi hadda waa habaroobi waa horaad caddeeyi, hiindeeydii wax ma dhaamo.
    • Dahabloo Cabdi duul aad deysatey oo doon ka daadiheeyaan haddii aan dilo waa ley doodihaa dacwadaadaan diidiyeede.
    • Daartii waa iila soo duntey deeq yaa ii daadaheeyhaa darajaale Maxaad ninkii daa’inkeey as dilaayo ma loo digaayo.
    • Aayoo iyo Ummaa uma joogto iyo Aawoow arintiisa mala oofihaayo Edebleey Cabdi ii ogaaw ii Iiwaanloo Aweys ammaanadaa waaye.
    • Urgigaa ceshoo Eebaheey isinkiis Arwaaxloo Cabdi Eesimoo Cilmiilaha leen cizoohaayaa arlo waa caafeen lahaay.
    • Malabloo Cabdi miin midaam ma maqlaayo maneenadaa manyaansadda( Adoon) meel muuqato milki waaye ma isla mooga.
    • Dad ninkii darajeey lahaa ma dahna Dowlo aa ii soo degey dibi aa loo dilaa Dahabloo Cabdi Dooro ma loo dilaayo.
    • Buuybuuy la’aan bannaan ha bixin Billaheene ma kuun baneen.
    • Musbaxtaa mazuungadaa ka shubo minkaane ha kuunka nuuro,Moofadaane minkaa ka duwo mowlaheena ha kuun maciinno.
    • Muqdishoo mixna aay ku jitraa Mowlaheena ha u soo maciino.
    • Taxsi tag male waa tariinboohaa,toman jeeraas taagsahaa, Nin Tarbuush tabsanoo istaagaayo talliheenni maxaas taraa?.
    • Biyahaaga bakeeri aan ku shubaa baantaada bur & Bariid boqollaal aan Booy kaaga dhigaa bishoona ma soo baxaeysid.
    • Gacal waa guuraa ninkii gablamo god la geeyo ma soo gadoomo geesi habatriisa waa gablanti.
    • Iidaan afar waaye aan ooyhaayo oo orna lay soo iibiheenini Illaahoo adaa amar leh Alkunkeey ii soo aruuuri.
    • Dhar waa dhaqay, oodna waa gooyay, Ashuun biyana waa aroori, isbitaalkaa laygu soo oodi ma arkaayi amooradeeyda.
    • Dhawaqeyga dhulka aas ku dhaafaa, Dheeroo Axmed waa iga dhuumahaa ee adaa dhashayee aad ku dhiira kartaa isku dhiib dhafoorahiisa.
    • As kuu joogo waa la jeclaay juuq & Jubbad aas kuu jumeeyo, Jamaaloo xaaji jillaalkaan jidka leed ku jannaaniheesi.
    • Hed (Gacan) hedaada aheyn hammuum ma kaa gooyso, habartaaba ha kuu haayso haybisey kaa rabtaa.
    • Ha i riixin rabtaan ha igu ridin ruux aan keenana kuuma roona, Rasuulka raali kaama aha Rabinna waa kuu raacahaa.
    • Minnaan xummaan layska rabin reer Xamar xoog yaa ku haaystaa, arlada ammaanaan ku ogaay Aadanka uurkiisa ma ogo.
    • Dadka waa didisheen Dalna waa dumiseen dabbaalnimadiin Dowlad aadna rabtiin ninba dhulkiis ha u dhammaado anna dhulkeyga waa u dhintaa.
    • Waqti Illaahey duko weyso qaado wareeg waraabaa wax ka keeni waayi ( Diyaasbaroow qaarkiina )
    • Nin qabuur ku jiraan la qeymo ahay, qabar gaarsi qaraabadeyda, halahoo badanaa i haystaan hal maahin xariifayaasheyda.
    • Bafta mii biyo gaarto waa boloshaa, birna waa buusbuusantaa bilisaan ahay, been ma sheegaayi ballankeygana ma baajinaayo.
    • Ma lee rabeebee Rabiyoo raxmaan,riixaan jannaad maan isku soo rugaa.
    • Gordonaan ahay leyma taaban karo, tobanna waa ka tallaabsahaa, nin is taataagaayo oo Tarbuush leheen, talladiisa maxay tareey.
    • Badda maanyo burxaan ka soo baxso, Booraad & Baalgaduud, bisin kuuma bilaabna baabka Quraan ,Burdo kuuma bannaana.
    • Kaxan & Kiinkooy Adaa karsataa, kurus geel ma kallankalmaa?Ha luu kululeeyo koombooydaa, kuukuuso kashoongadaada.
    • Kuuskuuska carbeed ha loo kariyo,kashito ha loo kor saaro,kufaartooyaa i koomaarti kadkaduud allah u keeno.
    • Kabo jiiq-jiiqaan ku joogi jiri ,jasuur Xamar waa jaroodi ,yaa ii jerihaa Jamaal qabtooy jannan Aay jeeloo Subeyr.
    • Isbi iibso ,Akhyaarnimaan u ekaaw,aragaada ha loo arwaaxo,akhyaarnimo iib-Mallaay ma ehee awal waa la akhbaarsadaa.
    • God Aliindi dhowoo Gambaalo gooyoo, giirgiirka maxaa gedesaa?,geberaa i gaclooti aan u gedaa god qayaama intiin la gaarin.
    • Casir mii la gaaro ceelka iigu imaaw cagahaaga cilaan soo saaro Casarkiina ma soo caraawi kari Cashahiina cariiri waaye.
    • Barameeso bannaan ha ii soo bixin, hala baaramin Baagamuudo, Barafkaaga Babaay dhexdiisaas ku jiraa, biyahaa Banbeelmo waaye.
    • Anoo bukko maa i baanin jirtey,mise Buuraa ii bleysey? Bax mii i tiraah ma baashaalaayi boqol meelaa ii bannaan.
    • Gudoogaadaan u goondi jirey ,Guurkaaga intaan la gaarin,gacaleey Xaaji minaa god kaa geshi anaa garabkaaga joogaa.
    • Sakareetkeyga maa ku soo siri iyo Surwaalkeyga suuradiisa, sidii ma ahee waa ku soo san dhabay soco waa ku sagootihaa.
    • Suuskoo sababtiisa sawaaxiligoo sarartaa ha kuu serbeeyo, suuska leen ka sabraa,Sawaaxiligoo Saatirteeyda iin serbeyn maayo.
    • Wallaashaa waa la soo wab dhabi, hoostana waa laga soo haleeyi, hadalkeeda dhan waxaas naqdi Hiindooy hergebaa i haayaa.
    • Dameeer dukahaayaa la arki, Doonfaar darab qaadanaayo, Dayuusyaaw daamo kuukuusyaaw, Dad ahaan ma kuu deyaayi.
    • Juuq & jaako waa jaah beley minaas jaamac ku soo jimeysti,ee jilac iyo jaeer waa jidoobeenee jiijiitan ha leyska dhaafo.
    • Dafdafaan ahay daashka waa dumihaa, dacaartana dabaan ku daaraa, Daaftiina minaan ku daadaaho duqana waa i dareensahaa.
    • Khamriyaan qulqulaa qiyaarkeey, Khanziirkana waan qalqalaa, Qanyartii ii khookhdana waan qancihaa.
    • Waa ley xamahaayee xoog ma lii helaayo ninba xaaladiisaa xaansho uugu taal.
    • Dhulkaan dhusuqiisaan soo dhaqay ,dharkeyga dhusuqaa ka buuxaa ,dhinaceyga agtiisa ka dhrrraaw dhididkeyga maka dhoorstoo.
    • Dhareerkaa waa dhammaa dhax yareey, dhididkaa deefteyda waaye,waan kuugu dhintaa dhallaal badaneey i8ga dhoorso maxaad ii dhehey.
    • Inanyahoow i dhageeyso asluubtaada iyo edebtaada wanaagsan iska ilaali Ibliiska ee aayahaaga dambe ilaasho.
    • Ammaan dhoorahii Awbaalaa tahay oo aan ka cabsaneynay Adigana na ogoow ee aan is aaminee.
    • Ma daalaheenaa tahay oo na maaweelinaayay Musqul adduunyo iska dhaaf ee maaweelada noo haay.
    • Macsi gashooy meel walba meerisooy, intii mallaay gaado oo mac ku mudaan, mafaad ka siisi maatadoo dhan.
    • Abtiyoo iibkaaga weyneeso, Iskaambo ku soo aruurso,galabtii qorax dhaceysaa imaanee Atna yaa kaa iibsahaa?
    • Isbi iibso akhyaarnimaan u ekoow iridaada ha loo arwaaxo, Akhyaarnimo iib malaay ma ehee dhulka waa la aftiinsadaa.
    • Abtiyoo joog naag ma keeni kartaa Anfaqeed, ma keeni kartaa Marashaa la rabaa iyo Madax saarmo iyo goosaar gumeed.
    • Geberteey gurguurashaal ha gasho, gowskeed galleey ha gaaro, galabtii la gudaaya Geel & Gurbacaa laysku gowracaa.
    • Biyahaaga bakeeriyaas ku jiraa, baadkaada Bur & Bariis, busho beer galay maa la baani karaa iska baani wallaal Batuulo.
    • Aliindi ood maahin ma kuu usmaayo, iska ogaaw ewedkaada aar gudashaal aqaane ahaaw.
    • Kista ii karisooy, kuleel ma cabtooy waa keenay kabiinadaa, kursi noo keen aan kookoodnee wixiid karineysid korkeyga waaye.
    • Adduunka intii la aasaasey, Abka Aadan intii la uumi awal yaa la ishaari aad aragtay alifkaas ii soo akhbaar ?
    • Adduunka intii la aasaaey Abka Aadan intiin la uumin awal Immaam nuurkeygaa la ishaari caqli laawe At maa ogeed.
    • Diinle Nuurkeey Naboo oo dadaalayo, dukahaayo waa la duugi, dukashaal ku dadaala Daa’in markiis na dilaayo ma nii digaaee.
    • Dadka duudkeeyaa ku soo degay, duunyaa laygu daaqsanaayi, Daaysuuf ma degoow Abkeey Diinlow Hintir ii soo duceey.
    • Daaysuuf ninka dool ehee dega doolaabta dugaalsanaayo Daaysuuf ma degoo Abkaa Diinlow Hintir Diidiin lees dabaayi.
    • Arad iyo ilmo aad ka soo orodeen, anfaqaad naga iibsaneeseen, isbi dheeraha Aw-cusmaan Xasan aan iidiisa u soo aruurney.
    • Isbi dheero Aw-cusmaan Xasan & Calan feronow Aw-abaale amuurteyda miis Ilaah aqbalo Orgigiinaa iibihaa.
    • Manyacoo ninkii ka bato mac waa daadihaa,mukulaashii mac diidana moodka xaadir waaye.
    • Waa ley sirey saakaleen maqlay, Sooraa sixir leygu siiyey, silsilaan ku jiraa ma siiban karo see waaye Subxaana Laahiyee.
    • Silsilaa suran oon la siibi Karin, Siidinaa Cali oo la saari Sitti & Samaawaada sar la suubiyo ha ley sacneeyo.
    • Shan qofoodaa laygu soo shooray, An waa leygu shammuumey, shub leen iri shaati leen qaati shiixaan wax la sheegi waayi.
    • Minninkaayni Bakeeri waa ka bati & Baaquli beeso buuxo, Badarooniga oo wax beegaheenin laga beegto intii Baraawo.
    • Cusmaan Nuur& Ukhwaankiisa,Abka Sooyoo,& Amiini afrtiina Ul qaata aaftoon arkay aan idin aadihaa.
    • Yac ninkii ku yiraah yastiin waaye, yaahuuna yaaqyaaqsi waaye, yasiroo Cali yaaha kuu yimid ma noo yayareesaneesi ?
    • Sarahii Xamar waa la soo siibi, Sarbuunyo saraa la saari ,Seeftii Qalimoow Suldaanka Carab see waaye salaan la’aantaan.
    • Jeeloo-xaaji Jiifkeyga aa leyga joojiyey, Jariifkeygiyaa la jeexi, Jilaabkeygiyaa la soo jebiyey jiinkaasi ii soo jawaab…?
    • Askaraan ahay Eebe soo uumay, Iridoo ilaalihaayo, Iskoronyo iyo Aalkuliiste edbintooda Anaa aqaan.
    • Suuskii soddon Liiro, Saadaadoow sanadkaan na salaama yeelbo, ma seexan karo ninkii sabigoo dhalay sanadaan waa la saxriirayee.
    • Suuskiibo sideetanaa la yiri, subax daa’in wax lee sodcaa, Sataarul cuyuub Siidkeygoow naga suubi sicirkaan sareeyo.
    • Kaxan shiiraayo maad la kookoodaa Kiinkooy kaadidiis is kuukuustaa is kaakaaydaaba kibir wax kuu keeni maayo.
    • Arla waa caafoowdi ayaamankaan, Ibna Aadamkii waa aamin beeli, edebtaa ku adeego oordinaa baxdi waa lays ilaalinaa.
    • Ninka jeebka jug siiya leen jerihaa, jinni miis yahay waa jalbeeyhaa Aawoo-jeylaaniyoo joogso wixii jiro noo jawaab.
    • Aay-Ooto ha ooyin Adduunya waa dhammaatee,Baariyoo Aweesooo Aakhiraas jiraa.
    • Waa leey xamahaayee xoog ma lii helaayee,Ninba xaaladiisaa xaansho ugu taal.
    • Duqoowaa na deyeesaa doorbinaay wataanee, Ninkii la daraawaa duurka loo diraa.
    • Bunduq aan iska tuurnee beeraheena aan aadnee,baahi wixii looga baxaayo beerahey jiraan.
    • Minninkeeyni iyo Maalkeeyni kuwii mulfiyeen magaceeninna oo ku moodeen Mayo Maxamed iyo Macaanoow mixnadaaneey waa ahaati.
    • Daar oo dudumeeso maa la dayaa dembi deeyoo Daa’in waayee.
    • Caqli waaye iibsashaal maglo mana laysku ammaahihaayo,Allaheyga ninkii aas ku uuntaa ku adeegahaa.
    • Beertiin ku beeraayi mar haddeey balowdi baakoorta ii dhiib beri waa baxaa.
    • Geber waa la gargaaraa, looma goodihaayee
    Gurigiisa nin geestaa garabkeeda galaayee.
    • Waa noogayee naxriis ma taalo, Aayooy ninkeeyga lee ma lii naqoo noworko lee.
    • Keene keene rag waaye ,karisooyna naag waaye ,keenoo waxba ma keenine,maxaa loo karihaa oo kurta loogu shubaa.

    SHURUBKA (shirta) QOWMIYADDA BANAADIRIGAWaxaa ka mid ah:
    • Bismiloo baab cilmi waaye laga boodo ma banana.
    • Aawoo Cusmaan barakoole waaye yaa beeni karaa Aawoo Cusmaan.
    • Berigii bannaan baxaayo Buurfuulaan ka bilaabaa.
    • Isku dhiig ahaada dheel waa dhumayee dhallinyareey.
    • Jiro waa jiraa jalliilkee aas ku joojiyaan jeclaa kuulow Awes.
    • Kor ha loo qaado kariinkaa watayee kuulow Awes.
    • Keligiis waaye Kariinkaa watayee Kuulow Awes.
    • Kuulow Awes kunturaadkaaga kuleel badnaa Kuulow Awes.
    • Col maa jirtaa calaamaa i cuntee Abaadiroo.
    • Gemiraanee gemiraanee Ulte weentee gemiraanee.
    • Wallaalahii waa is wataan waraabo, waagaas ku baryee.
    • Mukulaashii warameysi aawaraawaa kala gooyi.
    • Yuunbi lee tahay yaxaasaa yimidee yaa ku yaqaan.
    • Minaas wadaad ii wacdiyo anna warkeygaa ila weyn.
    • Wadaay ma kaa weynihiyoo weji warkeygaan ku wataa.
    • Waqtigaa galee yaa weysi qabaa wallaalahee.
    • Candhadaa daboolo ceeb maad u midi camal samoo.
    • Waa dhimahaa dhaaca ma dhiibto dhulka dheedheel kuma dhaafo
    • Barax makaa rabiyee ,Barfuunkalee iigu baney.
    • Garbahaaga saaro geeriyaa ka roon gowol uraayo.
    • Ilmo adoogood u ekeen aadanka eedaas gelihaa
    • Naag asaay fuusho ma iideysan kartaa cawa shirkoo.
    • Dhaga shuunloo dhakahaayo an dhawaqaas waa I dhibaa.
    • Xamar xaajaay ku jitraa Xaakinkeyn ha noo xureeyo.
    • Iga ceymiyeey Caalankii Cadoo isha dadoo.
    • Safar mii yimaad Soonna waa kanaa Suxuur kuleel.
    • Maanta maalintii ma ahee magaceygaa magac saaran.
    • Baryo loo dhintaa waa la bootihaa Bakayle bood.
    • Bambas waa bidaa boogna waa bi’isaa maxaa ba’aa ?
    • Maskiinkii waaye Makhluuq kii megentaa Maxamed Saanteey
    • Dhulka dhiiqa waaye Dhaaymaale Shariif is dhuujihee.
    • Dhulka dhiiqa dhiiqa waaye Dhaaymaale Aweys is dhuujiyee.
    • Qeylo mii timaad waa leys qalqalaa qashuuci maayo.
    • Mukulaashii warameesi Aawaraawaa kala gooyi.
    • Ruuxa gooyoo Rabbi waaye rag fa’ee ka roori maayo.
    • Ruuxa gooyoo Rabbi waare Ruunkee ka roori maayo.
    • Ninka rooraaro ha rooro Ruunkee ka roori maayo.
    • Ballanaan leheen Buufoo Unkuroow ma baaqateen ?
    • Busho maa qabtiin ma soo booqan kartiin Beled aloo?
    • Maanyo mii maagto Muleeyaa maqanee ma maqasheen ?
    • Hurdadoo i haayso waa hooyan lahaa heeskaan hunkiisa.
    • Mana buuwi doonto baalkaaga bilaash Baranbarooy.
    • Waqti waa dhammaadi yaa weyso qabaa wallaalheey.
    • Waqti waa dhamaadi waluunaa la dhalaa weyso la’aan.
    • Waqti waa dhammaadi washeeyaa ku jirtaa weyso la’aan.
    • Inaan Shabeelkaaga ahay Shaley ma kuu sheeginoo.
    • Caqli maas gelaa orkeeygaan ku wataa ilik Maroodi ?
    • Jambal ballaar jinnigoo fadhiiyo jiinkaas ku jiraa Jambal ballaar.
    • Jambal Carafaad jiimkoo ku jiro halii jawaawo.
    • Dhaxal waa dhumaa dhariiqaan ku dhashee a dhuumahaayi.
    • Shillin waa dhumaa ninkiisaas ka dhumaa ma loo shallaayo.
    • Sankaleed surtaa suurad maad qabtaa Sallan Aawoo ?
    • Beri waakanaa bannaankaan ku sugaa ninkii baxaayo.
    • Lama goodloo ashahaado laa’ilaahaa ila laahu.
    • Sharaqa shuuteeya shuutaale aktiisaan u socdaa, sharaqa shuuteeya.
    • Sannadkaanee sanno maahin ninba seeftiisa ha siibto.
    • SannoWaa jirtaa sidaan maan ku sabraa sallacalaa nabiyee
    • Shubaako fuuloo I deymoow haddaan bannaan soo baxayee.
    • Jilib waa ka guuri Jeylaani Mayoow ma jerisiinoo ?
    • Anoo in ooyee lahaay lo’ inka roogsati hor lee in ooyi.
    • Kun miis dhummo ninkiisaas ka dhumaa maxaas dhibaa?
    • War xummo waagaan ka wataa, walaalnimaanaana u socdaa.
    • Dheeshaan dhaafi mayo dhiigeygaas ku dhaqaaqaa.
    • Lama boodoo ma bannaana bismiloo baab cilmi waye.
    • Sixiroowga u sheeg suuqaan ku sugaa sixir abkiisa.
    • Nin dabeyl haayso dabaa loogu daraa ha darsadee.
    • Buro meel ku taalo biinzaan u wataa waan bojihaa.
    • Hilin baas ma nuugin Hooboow habartaa waa la hubaa.
    • Hilintii aan nuugi maan haleyn karaa reer habartey.
    Bes haddaadii dhihin beenaan kuu sheegi,
    Heesaha Banaadiriga & Riwaayadahooda taasi waa marqaati ma doonto malaha Adinkaa iga badisiin ii marqaati fura , Duhur waaye & Cawo waaye maa la isku qabtaa….?!!.
    WAXAA NOO DHEER KALE DHIB KALA NOOCYO AH SIDA:
    Dagaalada sokeeye marka laga hadlayo culumada iyo odayaasha reer banaadiriga si isku mid ah ay u istaageen mowqif aad u qeymo badan oo ah in aanay sida beelaha kale hub aruursan iyagoo gadan karay ayna diidanaayeen in arrintaas ay colaad iyo kala fogaansho kala kulmi karayeen, alle mahadiina ay tahay in reer banaadiriga ay ka mid yihiin waqtigaan beelaha soomaaliyeed ee aan beel kale ee soomaaliyeed wax colaad ah u heyn in badanna ka qeyb qaatay nabadeynta beelo kale ee soomaaliyeed.
    Dagaalada sokeeye si guud waan la qabnaa Soomaali da inteeda kale si gaar ahna waan ugu Dhib badnayn dhanka ihaanada iyo yastinka waa meel ka dhac xuquuqul insaanka loo geystey number one. Others baa naloogu yeerayey( iyadoo yastiin ahaan naloogu jeedo ) in muddo ah la nagu dhaqaayi iyadoo la nagu camcaminooyo oo aan dhaheeni: Ha tilmaanaato intey tirnaan laheyd,iska dhageysta maba soconaayee. Others & Minoraty midna ma ihin,waayo goormaa dadka Soomaaliyeed la tiriyey,Dhaqan Soomaali na ma aha in Qabiilna nus loogu yeero, Dadkeena badina waa la qaxiyay (Barakiciyey) taasina waa meel ka dhac xuquuqul insaanka, welina kuma soo laaban dalkeena hooyo ee Soomaaliyeed badankeenna. Waa qalad in qofka loogu yeero magac uusan ogoleen sharci ahaan iyo bani’aadanimo ahaanba waa meel ku dhac xuquuqul insaanka. Waxyaabaha kale ee naloo geestey oo meel ku dhac xuquusul insaaanka ah waxaa ka mid ah qodobadan:
    • Masaajidka dhexdiisa ayaa gabdhaheena qaar lagu fara xumeeyey iyagoo cabsi ahaan u galeen, innaa lillaahi wainnaa ileyhi raajicuun.
    • Naag uur leh oo sagaal bilood ah ayaa xataa ilmaheeda lagu hor xoogay (Fara xumeeyey).
    • Rageena qaar fara badan inta la af duubtay lacago fara badan lagu sheegtay.
    • Si xur ah uma shaqeesan Karin (Shaqooyinka qaar) anagoon wadan Staff ama mukulaal madoobe.
    • Waxaan xur u ahaan jirin Guurka oo lacag la naga qaadi jirey sida badan.
    • Guri dhisashada iyo xataa dayactirkiisa oo baad la naga qaadi jirey .
    • Baabuur ma wadan Karin anagoon mukulaal madoowe wadan oo aan baabuurka ka shaqaaleyn.
    • Kaalmooyinka Beesha Caalamka magaceenna noogu keenaan aa waxaad arkeysaa iyadoo la gedanaayo oo Lacagtooda Guryo,Hub & Baabuur lagu gadanaayo.
    • Dadkeena badi waa La qaxiyey (La barakiciyey) iyagoo guryahooda iska deggan,qaar badan badaha ayey ku qaraqmeen iyo saxaaraha ku dhidhinteen.
    • Shaqo ma naloo ogoleen xataa xamaaliga Dekedda Dalkeena hooyo in aan ka shaqeesano ilaa hadda waa saas.
    • Naagaheena(Dadkeenna) badi iskoolka galleyda laga dhiibo ma loo ogoleen xataa iney wax ka bartaan oo Galeydana wax ka qaataan iyo sidoo kale waxbarashada dibadda schoolar shipka oon weli cariiri ugu jirno wax sabayna ma naqaan iyo Siminaarada iyo Tallaalka ka shaqeyntiia badi iska dhaaf iney ka shaqeeyaan Ha’adaha Caalamiga ee deeqaha & gargaarka dalka ka bixiyaan( Anagoo awood & Aqoon buuxa u leh hawlahaasi badankood) waa la naga hortaagnaa ilaa iyo haddana waa saas iwm.
    Nooc dhib ah oo noo dhiman maanta ma jirto sida: Dil,Kufsi,Dhac, Boob, Barakicin, xaqiraad,yastiin iwm.
    GEERAAR YAR
    Odey cabaadaayo ayaa wuxuu ku geeraaray:
    • Dowlad aad dumiseen,Dan aad wadateen,Da’yar ad didisheen,Dumaraad dulmiseen,Duqoow ayaad didisheen,Dahab & Dollar ayaad ka dhacdeen, Daarahii Dowladdaad dedegteen dulmi ayaad ka wadeen,Daa’inkeey mani deynin dulmigii aad wadeen,Darajo weyn maku gaarteen Dowlad aadba rabtiin damaciina ku jiraa,Daainkii dadka uumi dembi dhaaf maka tuugteen.?

    Dhibaatooyinka na gaaray cid qoraal ama baaritaan ku sameysay ilaa iyo hadda male waxaad u maleysaa in raali la iasaga ahaa ama laga cabsanayey in wax laga sheego.(yaa ka dacwooneey yaana u dacwooneey waaye…..Illaahaan u dacwooney).Waxaa la yaab leh oo kale afarta qabiil kale ee Soomaaliyeed : Hawiye,Daarood,Dir iyo Digil & Mirifle mid kasta hal reer yahay,maxaa haddaba Qowmyadda Banaadiriga, Jareer weyne iyo 9ka qabiil kale isku hal qolo ka dhigay ? Iyadoo la og yahay ineysan isaga sokeeynin sida Hawiye & Daarood. Othersna ma ajinabibaa dadka loo bixiyay? (In kasta oo hadda xoogaa Dowlddan Federaalka Soomaaliyeed dibcis yar bilaawdey) Qowmiyadeena Banaadiriga waa Qabaa’ilo isu tegey oo isku deegaan ah mabda’eenuna waa Nabadgelyo, Isbedel,Deris wanaag. Midnimo, Caddaalad ,Sinnaan iyo Horumar. Ka waran (Intaan xanaaqno sida dadka qaarkiis) hadii Deegaanadeena Xeebaha ah oo Webiyadeenana dhinnacyada ku haayaan min Warshiikh ilaa Xamar, Marka , Baraawe ilaa Kismaayo goosano lana baxo COAST LAND? oo kale,Laakiin Anaga saas ma suubineeno hadda Anagoo og in aan taageero badan heleeno, wax badan aan fiirinoo haaynaa fadlan yaan la nagu qasbin in aan waxyaabaha qaarkooda suubino.
    HADDABA WAXAAN KU TALINAYAA QODOBADAN:
    • In la soo celiyo wallaaltinimadii iyo is jaceylkii Soomaaliya ay ku abuurmatey Asalkeed ab ka ab, waqtigii Kurta bun Labaatan qofood la isla marsa naayi horta ka bacdi lee la isla cunaayi .
    • In la helo Hey’ado madax bannaan oo dhexdhex aad ah oo u dooda La xaqirayaasha ugu yaraan Mediayaal ( TV, Radio, Web-site ) si joogto ah ugu hadlaan dhibta loo geysto & Waxqabadkooda ku dhiirigeliyaan ( Dhibannayaasha & Dulmanayaasha) sida Qowmiyadda Banaadiriga dadkaas La xaqirooyo Shuruud la’aan sidey wax ugu qabtaan iyagoon ku xirin wax shuruud ah sida: Lacag, Qabiil, Macriifo iwm.
    • In dacwadooda si Caddaalad ah loo galo dadka dacwoonayaan ee Dulmanayaasha ah iyo dadka loo dacwoonaya oo isla laga dacwoodayaasha ah sida dhacda badanaa ka bilaaw Saldhigyada Booliska qaar oo dadna la xaqiraayo dadna la qadirinaayo!.
    • Caddaalad baa la rabaa, yeey dhicin yaa dacw- eeneey? yaase u dacwooneey?.!
    • FIIRO GAAR AH.
    WELI WAA SOCATAA SHEEKADAN INTAN WAA MUCDA KELIYA, WAANA XAFIDAN YAHAY BUUGAN. FADLAN,AKHRISTOOW KU DARSO COMMENTS AMA TALLO SOOMAALINIMO OO WAX LAGU SAXAAYO HADEEY KULA NOQOTO Email-KEYGANA WAA KAN: gkuulow76@gmail.com
    MAHADSANID
    Maamada
    KELIGEEDA MAAHIN
    Maamada KELIGEEDA MAAHIN ILLAAH BAA LA JIRA.
    Maamada KELIGEEDA MAAHIN DULMI DIID DHANAA LA JIRAAN.
    Maamada KELIGEEDA MAAHIN XAQAA LA JIRA.
    Maamada KELIGEEDA MAAHIN DADKA BURBURKA KU DHACAY.
    Maamada KELIGEEDA MAAHIN DADKA LA CADDAALAD DAREEYEY
    Maamada KELIGEEDA MAAHIN DADKA LA BARA KICIYEY.

    RUMEYSO AMA HA RUMEYSAN
    BANADIR…. Waxaa xaraf kasta lagu fasiray sidan:
    B = BULSHO
    A = ALLAHOODA
    N = NABIGOODA
    A = AAMINSAN
    D = DIINTOODA
    I = ISLAAMNA
    R = RUMEYSAN

    MAHADSANID
    Fadlan haddii aad la dhacdid Buugan sii wallaalkaagana si uu isagana uga faa’deysto
    Waa nooc ka mid ah ficlul kheyraadka,Mahadsanid.

  5. garweyne kuulow October 28, 2013 at 3:17 PM - Reply

    SALAAN KA DIB,
    Shigaani.com
    WAAD MAHADSAN TIHIIN
    KAALINTA AAD KA QAADATEEN U GARGAARIDDA UMMADAHAN DULMAN SIDII LOO XUREYN LAHAA.
    MAHADSANID MAR KALE.

  6. hooyadii future,ka June 5, 2014 at 7:19 AM - Reply

    Waa loo bogaay Masha Allah, waa ku fara yareysatay…Allah ya barik fik

  7. Ibrahim August 17, 2014 at 11:48 AM - Reply

    Maah maahyada inaba caadi ma’ahan. weey murtiyeeysanyihiin waan funny. thnks for sharing sxb

  8. kassirm awow mohamed January 4, 2015 at 9:02 AM - Reply

    maahmaah aan caadi aheen ayaa ku ji

Leave A Response »