Astaamaha Aad Ku Garan Karto In Uu Jaceyl Ku Hayo

dr.yare November 1, 2012 2

Jacaylku waa rabitaan ku beerma qofka, waxaana qof kasta oo wax jeceli lagu
gartaa astaamo gaar ah oo inta badan soo ifbaxa xili dambe oo jacaylku daaro ka
dhisto qalbigiisa.
Hase yeeshee qofna ma jecla in sahal loo ogaado sirtiisa jacayl oo
wuxuu daneeyaa in ay isaga oo kaliya ku koobnaato.

Haddaba astaamaha lagu garto qofka wax jeceli aad ayay u fara badn yihiin,
laakiin waxaan qormadeenan ku xuseynaa inta aan is leeyahay way ugu muhimsan
yihiin.
Ugu horeyn waxaa lagu gartaa in uu hiyi kaco marka lagu soo hadal qaado arrimo
ku saabsan qofka dhigiisa ah ee uu jecel yahay, waxaana wajigiisa durba kasoo
ifaya dareen farxadeed iyo muusoobid, wuxuuna xilli kasta sii jeclaystaa ka
sheekeynta iyo falanqeynta arrimaha ku saabsan qofka uu jecel yahay,
wuxuuna mar walba ku dadaalaa ilaa waqti in ka sheekeyntiisa ama ka
sheekeynteeda la sii wado si uu ugu raaxaysto hadal heynta Lamaantiisa.
Haddii wax xumaan ah laga sheego markiiba wuu xanaaqayaa oo ka
damqadaa, wuxuuna bilaabaa amaba isku dayaa in uu difaaco ama
uu u ceeb asturo, haddii uu awoodi waayana goobta ayuu isaga
tagaa.
Waxa kale oo astaamaha lagu garto qofka wax jecel waxa ka mid
ah xiiso gaar ah oo uu mar walba u hayo la kulanka qofka uu
jecel yahay, laakiin layaabka jacaylka lagu arkay ayaa waxa uu
yahay qofkii aad jeclayd ee aad ku haminaysay la kulankiisa
ayaa qacda hore marka aad aragto aad ka naxaysaa muuqaalkiisa
oo waxaad dareemaysaa Xanfaf kaa asiiba bu`da hoose ee
caloosha.
Mararka qaar waxaad iloobaysaa qorshe badan oo aad
rabtay in aad uga faalooto ama aad kala tashato oo waxaa
dhacaysa in aad sheeko caadi ah oo jacaylku kaasoo tufayo aad
kula haasawdo oo aadan qorshe muhim ah kala munaaqishoon.
Shaqsiga wax jecel waxa uu mar walba tixgelin iyo karaameyn
gaar ah siyaa qofka uu jecel yahay mana ogolaanayo in saxar
qalad ah ama dhibaato yar soo gaarto, haddii isaga uu
dhibaateysan yahay tiisa uma muuqato ee qofka uu jecel yahay
mida heysata ayaa u muuqata oo la weynaata tan isaga heysatana
umaba jeedo.
Qofka wax jeceli wuxuu u dhego nuglaadaa qofka uu jecel
yahay, una dabacsanaadaa, deeqsi ayuu u noqdaa, una naxariis
falaa mar walba isagoo isku dayaya in uu qanciyo jacaylkiisa.
Marka Hadii aad tahay qof uu soo maray jacelylka ama aad qibrad
u leedahay, fadlan wax yar nooga faa`iidee.
meesha hoos ku soo qor

Hadaba aqristow hadii aad aragto calaamadaha isku day inaad dareento in lagu soo weeraray isticmaalna daawada aad kaga hortagi laheyd cudurka jaceylka oo ah waxa aad xilligaa jaceylka aad u qaaday una isticmaal sida saxda ama rasmiga ah

By: Dr. Yare

2 Comments »

  1. Daadax November 1, 2012 at 8:31 PM - Reply

    Horta aqyarta arimaha ree jcyl wad salmantihin waad mahadsanihina: jacaylna an wax ka taabto. Horta jcylku wa naxariis allaah uu ku abuuro qofka qalbigiisa: Hadaba aan waxyar idiinka taabto midka ani iso maray: gabadh ayaan jecladay waana u shegtay jcylki gabadhi iguma diidin lakin way i cadadisay mudo markan iska daba luudayay en isku dayeyay mudaas siwalba oon kusoo jiidankaro marka aan marayo wakhtigii ugu dhibka badnaa ee jacaylka wax abaal iyo teelo ah midna uuna iidhiganayn ayaan galab galabada kamida baxay waxaan toos u aaday halki aan islaha muuqeeda waad ka arki indhaha markii aan ku dhuftay waan naxay hadalna waxaan ugu horaysiyay Asc waxayna igu jawabtay Wcs kadib waxa na.dhexmartay sheeko saa gabadhi tiiba ma.aha hadalkedu wuu naxaris badanyahay macaanyahay daqiiqado hadalo aan iswaydarsanay waxaan dareemay in qalbigeeda naxaristi gaadhay malina waxan ka.imid anoo aad ufaraxsan oo jacaylkan kaligay siday dhinaca la.ila qabtay mudo yar marku jacaylkii dheeli tirmay ee midiba midka kale usoo xiiso ayay gabadhi magaalo kale aaday xiligaas ayaa nabaradi isii bogsanayay iwada bukodeen mudo ayaana war iyo wacaal midna ka helin.habeena maseexdo maalina gaba sheegin dhinacana dhulka kama qaado anoo sidii ah ayaa waxaa dhawaaqay tellki agtayda yaalay anoo iswaydiinaya maqabata mise waad iska daysaa ayaa waxaan isku qanciyay inan qabto saa codka hore ayaa dhagtayda deeqay xiliga waan taaganahayba xidhidhki halki ayu kasisocday hadal ma.badin karo oo ayida ayaan ushekayn intaan idinka idiin sheekayne. Hada waa xaaskaygii garabkayga ayayna fadhidaa al xamdu lilaah marka akhristayaasha waxaan ushegaya qofka wax jecel in laso dhaweeyo lo naxaristo lala qabto culayska iyo dhibka hadii kale run loo sheego waxyabaha lagu garto qofka wax jecel waa sidaa qoraagu sheegay . Marwaba waxaa kuu muuqanaysa wanaagiisa waa qofka aad jeceshahaye marwalba inaad aragto ayaad jeclaan lamaso koobi karo wan idin salamay jcyl wanaagsan

  2. C.risaaq ibnu kaahiye December 10, 2012 at 12:34 PM - Reply

    Qoftaad ad jacaylka uqaade waxad jeceshahay dhawaaqa kasoo baxaayo bishimeheeda qurxoon inaad dhagaha u dhigato mar walbo dhugtaada iyo dhayahadan dhankeeda ayeey jiraan waqti walbo waxaad doneysaa inaad dugaashada la daristo dabuubteeda dhuuxdo dadka kale dabool iyo daah ayaa ka saraan ayada unbaa ku hor joogto har iyo haween hadaad telofon ku wada xariirtiin uma dhameyn kartid hadalka hada hadaad ka goyso hadana waxad soo xasuusani inaad sheey muhiim ka iloowday hadeey duruufo dunidan jiri leheen hawenkii dhan wad dal dalmi leheedeen marka cishqiga sheey caadi ah ma ahan ciyaarna hawa sheegin wa bilaahi twfiiq mahadsanidiin

Leave A Response »