Naag Maxaa Lagu Raacaa????

dr.yare October 5, 2012 5

Shaikh Al-Nafsawi oo ahaa caalim Islaam ah, noolaana qarniyadii dhexe waxa uu buuggiisii (Ar-Rowdul-Caadhir fii Nus-hatil-Khaadhir) ku qoray sifooyin uu sheegay in gabadha leh aan sinnaba loo daayin guursigeeda. Haddaba sifooyinkii uu sheekh Al-Nafsaawi tilmaamay iyo qaar kaloon tixraacyo kale ka helnay haddaynu nuxurkoodii soo koobno, waxay ahaayeen sidatan:

(Gabadha guursigeeda la doonaa waa tan uu jirkeedu buuxo oo joogga iyo hilibka leh, foolka ballaaran leh, timaha dhaadheer ee madow leh, indhaha sidii ilays la shiday oo kalaa leh, dhabannada shushuban leh, sanqaroorka qoran leh, sunniyaha dhaadheer ee madmadow leh, afka yar iyo ciridka madow leh, ilkaha sidii aleel la qoray ah leh, dibnaha, dhabannada iyo carrabka cas leh, sanka iyo afka carfaya leh, qoorta dheer iyo cabbaaryaha leh, garbaha waaweyn leh, gacmaha buurbuuran iyo garaaraha leh, shafka ballaaran leh, naasaha toobinka ah ee dharka dul saaran dhibsanaya doonayana inay kasoo dhex baxaan leh, xabadka iyo naaska buuxa leh, dhexda yar leh, sinaha waaweyn leh, caloosha godan leh amaba xulus yaroo salaaxista ku habboon leh, xuddunta ballaaran ee biya-degeenkaa leh, cambar dusha iyo daafyaha ka cayilan dhexdana ka ciriirigaa leh, cajarrada waaweyn leh, qaarka dambe iyo doolasha waaweyn leh, kubabka buuxa, cagaha yaryar iyo cirbaha jilicsan leh.

Gabadha socodkeedu yahay siduu abwaanku u sawiray: “Culays kuma dhaqaaqdo mana cararto, cagta socodka kuma dhererto ciiddee way ciribsataa”, kolkay soconayso laafyoota, kor iyo hoosna ka lulata, soo socodkeeda aad macaansatid, sii socodkeedana la miyir beeshid, bashaashadda aan hadalka iyo qosolka badnayn, codka iyo carrabka gaaban balse ereyga kasoo baxa bukaankii maqlaa macaantiida ku bogsoodo, bixitaanka iyo soo gelitaanka yar gurigana aan dhaafin, deriska aan dan lama huraan ah mooyee hadal u doonan, dibadda markay dan ka yeelato ninkeeda oggolaansho ka dalbata, duunyo duqeeda mooyee dad kale aan weydiisan, iimaanka badanoo wax yari deeqaan, degganaanta iyo dulqaadka badan, ninkeeda daacadda u ah oo hadduu gogosha ugu yeero degdeg uga yeesha, hadduu damco ayadu doonata, hadduu iska daayana isdadabta, kolkay galmadu dhacayso dhabannadu casaadaan, indhuhu caddaadaan, dibnuhuna cayaaraan, kalkay ninkeeda la joogto farax iyo qosol badan, markay dad kale arkeysana afgaaban oo edeb badan, eer-sheegad yar, abtiyaal iyo adeeryaal akhyaar ahna leh).

By: Dr. Yare

5 Comments »

  1. macaani October 6, 2012 at 10:17 PM - Reply

    asc kadib naagta la tilmaamay waa mid mid macnaheedu tahay hala suubsado ilaah leena abuurka leh noocaan halaguursado hadii la dhoho naagaha kale yaa guursanaa %999:5 majirto mana joogto naagtaan waa mid macquul cibaada suuban camal wanaagsan ku sameeso aduunka aad heshidee xuuralceenta aaqiro taasi waa sax laakiin aduunyo korkeeda naagtaan ka raadi qiyaamahaa kuugu yeeraayo kkkkk

  2. mohamud October 18, 2012 at 11:22 AM - Reply

    nin waalan baa waxan qoray qof sidaasi majiro ,adaa is burinaya waxaad tiri gabar dheer oo shuban hadana waxaad leedahay xabadweyn oo naasa waaweyn

  3. y November 20, 2012 at 8:47 PM - Reply

    ((((( dibnaha, dhabannada iyo carrabka cas leh))))

    Waxaad sheegtay dhan waa macquul;

    lakin, Dibnaha iyo cirridku waa inay madowyihiin, haddi aqy somali tahay.

  4. Ma aragten October 25, 2013 at 6:10 AM - Reply

    Yaap bdna kuwakale ya gursanaa tan hadi la raadiyo wale inta tan radi is dhaheysid buunka qiyama kugu dhacayo

  5. redwaan November 21, 2014 at 8:41 AM - Reply

    wll waa run waxad sheegtay lkn sida lagu helaa adag

Leave A Response »