Ciyaaryahan Maxamed Xasan teeyoow oo Saaka ku guuleystay Tartan orodo ah oo London ka dhacay

shingani September 30, 2012 0

(xamarweyne.com):-Waxaa maanta Magaalada London ee dalka Ingriiska ka dhacay tartan loo qabtay koxaha dhanka orodada ee ka dhisan Magaaladaasi london.

Ciyaaryahan Maxamed Xasan Teeyoow oo ah oradyahankii Soomaaliya u matalayay tartankii olypic-kada aduunka ayaa dhawaan heshiis la gaaray oona ku biirey koox dhanka oradada ah oo ka dhisan dalka Ingriiska .

Ciyaaryahan maxamed Xasan oo matalayay kooxdiisa cusub oo lagu magacaabo themes vellay heares ayaana kaalinta 1aad ka galay tartankaasi waxaana la siiyay abaal marin lacageed.

laacibkaani dhanka oradada magacna ku yeeshay tartankii Olypikada aduunka ayaan u muuqda inuu katalo baxay ku soo laabashada dalka islamarkaasna uu go’aansaday inuu ku sii noolaado dalkaasi ingiriiska.

Tartankaani uu ku guuleystay maxamed xasan ayaa ahaa lagu tartamayay 10 KMT oo kakoroos koontari ah waxaana uu muujiyay karti dheeraad ah iyo adeysi markii uu ka adkaaday 250 orodyahan.

Maxamed Xasan teeyow oo aan la xiriirnay isagoo london ku sugan mar aan kala hadleynay sida uu dhacay tartanka maanta ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa gaar ahaa iuu dalka ku soo laabanyo iyo in kale.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »