Qiso jaceyl dhab ah Habaar miyaan qaataa Mise Duco?

dr.yare September 20, 2012 6

Qidsadaan oo dhexmartay lamaane Somaliyeed  oo lagu kala magacaabo jiray Axmed iyo sacdiyo.

 

Axmed oo ka sheekeenaayo ayaa hadalkiisa ahaay

Waxaan ku dhashay  Deg/X/weyne  waxaan hadana ku sugan nahay Degmada Boondheere

 

Galab galbada  ka mid ah uu jawiga leeyahay saxan saxo udgoon badan ayaa waxaa dhacday  anigoo  lugu baxsi iyo indho indheyn u soo aaday Magaalada  ayaa waxaan kula kulmay

Meel cidla  ah  gabar aad iyo aad u qurax badan  ayaan si kaftan ah u salaamay anigoo ula jeeda in aan foodeynayo oo kale .

 

Gabadha ayaa waxa aan isla dhiganaa iskuul oo isku galas ayaanba nahay balse si aad ah uma garanyo balse waxay ii sheegtay in ay ka dacwooneyso wiilal isu galaas aan sidoo kale nahay

Waxay igu tiri “Axmed Walaal wiilashaan mar walib saan ayay ii foodeeyaan anigana waxaan ahaay wiilka aadka ay u qadriyaan wiilasha galaaska iyo xaafadaba

 

Markii aan arkay wiilashii oo iyada foodeynayo ayaan si lama filaan ah ku soo galay dhexdooda oo aa ka dhaadhiciyay si caqli ku dheehantahay in gabadha ay foodeynayaan tahay walaashooda oo kale markiiba si qadrin ku jirta ayay igaaga tageen wiilashii.

 

Ka dib waxa ay bilaawday Sacdiyo Mahad celin iyo hadalo ay ku dheehan yihiin farxad iyo barasho deg deg ah waxay I weydiisay xitaa in aan garanayo iyo in kale waxay tiri “Ma I taqaanaa? Maya ayaan markiiba dhahay aniguna

 

Waxay dhahday waxaan ahay fasalka 8-aad oo waxaan fariistaa kursi dhankaaga bidix jira ah aad ayaan ula yaabay arinkaa gabar qurux badan hadana igu fasal dhankeygana fariisata hadana aan garaneynin waa la yaab waa cajiib waxaan aad ugu dheeraanay sheekadii ilaa aan gaarnay inaan kala qaadano taleefanada aan gacanta ku sidanay

 

Xilli ay Saqda dhexe saacada sii marayso anigana aan aad u fikarayo kana fikarayo sacdiyo iyo quruxda ay leedahay sida nasiibka badan aan isu baranay habeenkii oo idil waxaan seegay hurdada waxaan mar xitaa mooday in ay ila joogto oo ay ii sheekeneyso xitaa waan ku dhowaaday inaan talkeeda garaaco bal way ii suurta gali weyday

 

Ka dib subaxdii dambe ayaan la soo gaaray oo waxaan soo wada aadnay iskuulkii markii aan galaaska soo galayba waxaan jeclestay in aan arko wajigeeda nasiib wanaag waxay fadhideyba dhankeygii bidix farxad ayaan cashir la qoron waayay

 

Saacado ka dib waxaa la soo aaday Break Timeka waxaan soo wada aadnay inago oo dhan break time-kii oo waxaa durbadiiba igu soo dhacday in aan u sheego arimaheyga ku aadanaa jaceylka ileen horay ayaa loo yiri “Daahana Hortiisa Dafanaa joogee” durbadiiba waan garaacay oo aan isa salaanay waxaan wada fariisanay Maqaaxid yar oo aan ku qaadano Break Time-ka durbadiiba si qarsoodi ay sarbeeb ku jirto ayaa waxaan u sheegay Jaceylkeygii nasiib wanaag way iga aqbashay

 

Mudo ka dib aniga iyo Sacdiyo waxaana na dhaxmartay sheeko aad u adag oo ku aadan jacyeleena wallow aan nahay arday iskuul dhigata iyadoo taa jirta ayaa waxaan soo wada marnay xilli dheer oo aan aad u soo kool koolinaynay jaceylkeenii waxaan mar waliba u sameyn jiray waxa ay iyadu jeceshahay iyaduna waxay iga ilaalin jirtay dhaawac inuu isoo gaaro

 

Waxaan in mudo ah ka dib noo dhamaatay iskuulkii oo shahaadadeena dugsiga sare aan qaadanay waxaa durbadiiba aan la hashiiyay gabadhii oo aan ku hashiinay guur intaa ka dib waxan arintii guurka aheyd ula hortagay hooyadii waa mida I dhashee waxay igu tiri waxaan balan la galay abtigaa oo gabadha abtigaa dhalay  ayaa laguu guurinayaa anigoo iska dhaga tirayo arinta ayay si lama filaan ah igu tiri labo mid inaad qaadato far habaar ama far duco midkood

 

Dadweynoo midee qaataa oo mida ducada ma qaataa oo maka tagaa mida jaceylkii aan kool koolinayay mise tii habaarka ayan qaataa oo jaceylkii ayaan gacanta mid ku dhagaa?

 

By: Dr. Yare

6 Comments »

  1. Anonymous January 20, 2013 at 11:38 AM - Reply

    Ani fakir ahany teyda jckada kacanta kudhag

    • Nuux February 20, 2013 at 10:51 AM - Reply

      Ani waxaan ku oran lahaa ducada qaado

  2. Anonymous July 26, 2013 at 3:30 AM - Reply

    Ducada qaafo

  3. Anonymous July 31, 2013 at 11:46 AM - Reply

    Walaal sre wxn ku oran laha jcylkaagi aaad ints soooo kol kolinysy meel cidla ah hauga tagin eeee gcnta ku dhig ok

  4. Anonymous August 5, 2014 at 1:48 PM - Reply

    Walal jaceylkaga qaado

  5. jeebka ku rite August 23, 2014 at 4:58 PM - Reply

    sxbow inaad jclkadi intaas kuso rafaadeysay aad ka tagtid ma fcno hdana duco waalid lagama maarmo marka wxn ku dhihi lahaa duco waalid qaado hdad is dhahdo jclkada gacanta ku dhig kolbo farxad kuma nolaneysan marka ducada

Leave A Response »